Xuthiyiinta oo gantaalo ku weeraray markab marayay Badda Cas

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda markab ganacsi oo lagu weeraray marin biyoodka Badda Cas.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa Talaadadii sheegay in xoogagooda ay gantaalo la beegsadeen markabkan oo noociisu uu ku sheegay kuwa saliidda qaada.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in markabka oo lagu magacaabo MADO laga leeyahay dalka Mareykanka, inkastoo uu markabkaasi watay Calanka Jasiiradda Marshall.

Wararka ayaa sheegaya in markabka uu ka yimid Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isla-markaana uu ku sii jeeday dalka Singapore. 

"Ciidamada Badda Yemen ayaa gantaalaha lidka maraakiibta ku weeraray markabka MADO oo ku sugnaa Badda Cas. Gantaalahayaga ayaa haleelay hadafkoodii." Ayuu yiri Yahya Saree.

Yahya Saree oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhanka kale sheegay in ay gantaalo ku garaaceen magaalada dekedda leh ee Eilat ee koonfurta Israel.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka iyo Israel ayaan weli ka hadlin warka ka soo yeeray Xuuthiyiinta.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa billihii ugu dambeysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ku weerarayay maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al-Houthi oo dhawaan khudbad uu jeediyay si toos ah looga daawanayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa wacad ku maray in bishan Ramadan ay kordhin doonaan weeraradooda maraakiibta, inta reer galbeedku ay dhegaha ka fureysanayaan baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inay joojiyaan weerarada cadowtinimo ah ee ay Israel ku hayso dadka reer Gaza.

Hoggaamiyaha ayaa ku hanjabay inaanay ka laaban doonin bartilmaameedyadooda ka dhanka ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel, illaama ay ka garowsanayaan in ay joojiyaan duulaanka Israel ee Gaza iyo is hortaagga lagu hayo gargaarka bani'aadantinimo ee sida weyn loogu baahan yahay.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa shirkadaha maraakiibta ku khasbay inay ka weecdaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isla-markaana ay isticmaalaan marin biyoodka Cape of Good Hope.

Marinkan ayaa ah waddo wareeg oo kharashkeedu uu badan yahay, waqtiga safarkana uu ka dheer yahay, marka ay maraakiibta ganacsiga isticmaalayaan marin biyoodyada Gacanka Cadmeed, Badda Cas illaa kanaalka Suweys.