Xuutiyiinta oo ogolaaday in maraakiibta Mareykanka ay maraan Bab El-Mandeb

Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa ogolaaday in maraakiibta Mareykanka ay si nabdoon ku maraan marin biyoodka Bab El-Mandeb, haddii Washington ay ka fogaato inay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka uu Sacuudiga hoggaamiyo ee kala dhexeeya Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay.

Telefishinka Al Jazeera ayaa ku waramay in labada dhinac ay heshiiskan gaareen, ka dib wada hadalo qarsoodi ah oo daba-yaaqadii isbuuca ay ku yeesheen Magaalada Muscat, oo Saldanada Cumaan ay garwadeen ka ahayd.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay ogolaadeen in maraakiibta wata Calanka Mareykanka ama xiriirka la leh Mareykanka ay si xor ah ugu gooshaan Badda Cas iyo Marinka Bab El-Mandeb, iyadoo shuruud looga dhigayo in Washington aysan si toos ah ugu lug yeelan dhanka militariga ee dagaalka uu Sacuudiga hoggaaminayo ee ka socda Yemen.

Waxaa jira warar sheegaya in Mareykanka uu Xuutiyiinta ka dalbaday inaanan sidoo kale la beegsan maraakiibta laga leeyahay amaba xiriirka la leh Dekedaha Israel, balse ay Xuutiyiinta ku adkeysteen inay ixtiraamayaan heshiiskii xabad joojinta ay labada dhinac gaareen 6-dii bishii May ee sanadkii 2025.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa laga soo xigtay in is fahamka Washington uusan ku saleysnayn badbaadinta Israel ama joojinta hawlgalada ka dhanka ah danaha Israel, taas oo la macno ah in hawlgalada ay taageerada ugu muujinayaan shacabka Falastiin ee ka dhanka ah amniga iyo danaha Israel ee gobolka ay sii socon karaan.

Xuutiyiinta ayaa Sabtidii sheegay in dhammaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah oo dhan ay adeegsan karaan biyaha Badda Cas iyo Bab El-Mandeb, marka laga reebo kuwa laga leeyahay Sacuudiga.

Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa Axaddii Israel ku eedeeyay inay sii waddo dilalka iyo xadgudubyada ay ku sameynayso heshiiskii xabad joojinta Gaza ee la dhaqangeliyay 10-kii bishii October ee sanadkii hore.

Xafiiska oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku baaqay in laga hortago xadgudubyada joogtada ah ee Israel iyo in la sii wado taageerada caalamiga ah ee qaddiyadda qaranimada Falastiin.

Xoogaga Xuutiyiinta oo toddobaadkii hore la wareegay deegaanada xeebaha dalkaasi Yemen ee ku teedsan Badda Cas iyo Bab El-Mandeb ayaa soo cusbooneysiin kara weeraradii ay ku hayeen maraakiibta lala xiriiriyo Dekedaha Israel, iyagoo adkeynaya in la ilaaliyo xabad joojinta Gaza.