Xuutiyiinta oo si buuxda ula wareegay magaalada Badda Cas ku taala ee Mokha
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa Khamiistii si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Mokha, tani oo qayb ka ah qorshaha ay isugu fidinayaan marin biyoodka Bab El-Mandeb.
Ciidamada Dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero ayaa isaga baxay magaaladan oo leh deked muhiim ah oo ku taala Badda Cas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay Ciidamada Dowladda Yemen banneeyeen magaaladaasi, ka dib culeys xoog leh oo ka soo fuulay dhanka Xuutiyiinta.
Xoogaga Xuutiyiinta ee xiriirka la leh Iran ayaa maalmihii u dambeeyay waday guluf xoogan oo dhulka ah, isla-markaana ay culeys ku saarayeen ciidamadii ka soo horjeeday ee ku sugnaa magaalada istiraatiijiga ah ee Mokha.
Mokha ayaa ku taala Koonfur Galbeed Yemen, waxayna 75km dhanka waqooyi uga beegan tahay Marinka Bab El-Mandeb oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Mokha waxay ahayd gidaarkii ugu weynaa ee Xuutiyiinta ka hortaagnaa inay gaaraan marin biyoodka Bab El-Mandeb.
Magaaladan ayaa ahmiyad weyn u leh Xuutiyiinta Yemen, maadaama ay ku dul degto Bab El-Mandeb, isla-markaana ay doonayaan inay maamulaan marinkaasi.
Marinka Bab El-Mandeb ayaa muhiim u ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isugu kala goosha Asia, Yurub iyo Bariga Afrika, iyadoo uu marinkan isku xiro Geeska Afrika iyo Asia.
Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa marinkan u arka inuu siinayo awood ay ku hor istaagi karaan maraakiibta shidaalka Sacuudiga ee ka gudbaya, si ay Riyadh ugu cadaadiyaan in ay joojiso fara-gelinta gudaha ee Yemen ama fara-gelinta arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Xuutiyiinta ayaa 20-kii bishii July ku dhawaaqay go'doomin badeed oo ka dhan ah Dekedaha Sacuudiga, waxayna maraakiibta boqortooyada ka mamnuuceen inay adeegsadaan Badda Cas iyo Bab El-Mandeb.




