Yuusuf Dabageed oo ka horyimid in Maamulka Gobolka Hiiraan laga wareejiyo canshuurta uu qaado

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa ka horyimid in xilligan Maamulka Gobolka Hiiraan laga wareejiyo canshuurta uu qaado.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa wada qorshe lagu mideynayo canshuurta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, si Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle u maamusho dakhliga gudaha ka soo xarooda, bedelkii ay canshuurahaasi qaadi jireen Maamulada Maaliyadda ee goboladaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo sida loogu baahan yahay in loogu midoobo, loogana fogaado khilaaf gudaha ah uu Wasaaradda Maaliyadda farayo in canshuurta Gobolka Hiiraan loo qaado sidii hore, inta masuuliyiinta Hirshabelle ay go'aamo ka soo saarayaan, habka ugu haboon ee loo mideyn karo canshuurta labada gobol ee Hirshabelle.

"Anigoo tixgelinayo dagaalka adag lagu la jiro Khawaarijta argagixisada ee Al Shabaab, kaas oo looga sifeynayo Hirshabelle iyo guud ahaan dalka Somaliya, loona baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu la jiro Khawaarijta Al Shabaab, lagana fogaado wax kasta oo Khawaarijta fursad siin kara. Anigoo garwaaqsan muhiimadda mideynta canshuurta, si loogu horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, waxaa la farayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Hiiraan in cansuurta Gobolka Hiiraan sidii hore loo qaado, inta madaxda sare Dowladda Hirshabelle iyo Wasaaradda Maaliyadda ka fadhiisaneyso tariifada iyo habka ugu haboon ee loo mideyn karo." Ayuu Madaxweyne Kuxigeenka ku sheegay warqad uu xalay soo saaray.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa mar sii horreysay qoraal ku sheegay in canshuurta ay qaadaan ay muhiim u tahay dagaalka gobolka lagaga ciribtirayo Shabaabka hubeysan.

Khilaafkan ka soo kordhay Hirshabelle ayaa imaanaya, xilli wejiga labaad ee hawlgalka uu maalmo ka hor ka bilowday Gobolka Hiiraan.