Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay askari ku kacay fal awood sheegasho

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay nin ka tirsanaa ciidamada amniga, kaas oo Khamiistii shalay nin ganacsade ahaa ku khasbay in uu sigaar ka iibiyo, xilli bisha barakeysan ee Ramadan ay kow ahayd.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, iyadoona askarigaasi la sheegay in uu dil ugu hanjabay ninka ganacsada ah, haddii aanu markaasi sigaarka ka iibin. Ganacsadaha ayaana markii dambe ashtako ka soo gudbiyay askarigaasi.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay soo xireen askarigii falkaasi ku kacay, sharcigana la horgayn doono.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin uu amray in askarigaasi laga ruqseeyo shaqada.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagu la kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari boolis ah, waxay soo xireen askarigii dhibka gaystay, waxaana la horgayn doonnaa sharciga, iyadoo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu go’aamiyay in laga ruqseeyo ka mid ahaan-shihiisa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la soo xiriiraan laamaha amniga, haddii ay qabaan cabasho amaba ay hayaan warbixin amni.

"Ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay. Fadlan muwaadin, haddii aad waddo cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciidanka Booliska 991." Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidanka Booliska ay dadaal ugu jiraan, sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Caasimadda Muqisho, bishan Ramadan.