Ciidamada amniga oo hawlgal guri guri ah ka sameeyay xaafado ku yaala Muqdisho

Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay hawlgalkan ka sameeyay xaafado ku yaala Degmada Wadajir, gaar ahaan kuwa ku dhow dhow Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ciidamada ayaa guri guri u galay xaafadihii ay hawlgalka ka sameeyeen, iyadoona uu ujeedku hawlgalku ahaa xaqiijinta amniga magaalada.

Ciidamada ayaa intii uu hawlgalku socday gacanta ku soo dhigay dhallinyaro fara-badan, oo laga hubinayay inay ku lug leeyihiin falalka amni darro. Ciidamada oo dhallinyaradaasi isugu geeyay goob barxad ah ayaana kolkii dambe dib isaga sii daayay.

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Wadajir, Xasan Cali Xasan ayaa sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada muddooyinkii ugu dambeysay laga sameynayay Magaalada Muqdisho.

"Qorshihiisu wuxuu ahaa baacsiga Khawaarijta, la dagaalanka muqaadaraadka iyo ciyaal weerada." Ayuu yiri Taliyaha oo Universaltv la hadlay.

Taliyaha ayaa yiri "Mana jiifan doono, waana sii wadaynaa hawlgalka, wuxuuna ahaan doonnaa mid socdo oo marnaba aan laga istaagin."

Taliyaha ayaa dadka reer Wadajir ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla-markaana ay iska soo dhex qabtaan waxa uu ugu yeeray Garan-waaga.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkanba Magaalada Muqdisho ka waday wacyigelin ku aaddan barnaamij ay ugu magac-dartay (Garan-waa), kaas oo ah mid lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab. Shabaab waxaa lagu tilmaamaa caqabadda ugu weyn ee maanta horgudbin amniga dalka.