Ciidamada Israel oo garaacay Isbitaalka Indonesian ee Marinka Gaza

Ciidamada Israel ayaa maanta duqayn u gaystay Isbitaalka Indonesian oo ku yaala waqooyiga Gaza.

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi, tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qudra ayaa sheegay in xaalad cakiran ay ka jirto isbitaalkaasi.

"Shaqaalaha Isbitaalka Indonesian waxay ku adkeysanayaan inay sii joogi doonaan isbitaalkaasi, si ay u daweeyaan dhaawacyada. Ku dhawaad ​​700 oo qof oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad iyo dad dhaawac ah ayaa ku sugan gudaha isbitaalka." Ayuu yiri Afhayeenka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay isku gadaameen isbitaalkaasi, iyagoona uu ujeedkoodu yahay in halkaasi laga daadgureeyo qoysaska ku soo barakacay, bukaanada iyo weliba shaqaalaha caafimaadka.

Ashraf Al-Qudra ayaa sheegay in dadku ay ku xayiran yihiin isbitaalkaasi, haddii taangiyada Militariga Israel ay ku hareereysan yihiin sida uu yiri isbitaalka.

Dhakhaatiirta ka hawlgala isbitaalka ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay dadka rayidka ah kaga daadgureynayaan isbitaalkaasi, si aysan waxyeelo uga soo gaarin hawlgalka ay Ciidamada Israel doonayaan in isbitaalka ka sameeyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia, Retno Marsudi ayaa cambaareysay ficilada guracan ee Militariga Israel.

“Weerarkan ayaa si cad u jebiyay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada." Ayay tiri Retno Marsudi.

Retno Marsudi ayaa saaxiibada Israel ku boorisay in ay qaadaan tallaabooyin ay ku joojinayaan xadgudubyada Israel.

"Dhammaan dalalka, gaar ahaan kuwa xiriirka dhow la leh Israel, waa inay adeegsadaan dhammaan saameyntooda iyo awooddooda, si ay ugu booriyaan Israel inay joojiso xadgudubyada." Ayay Retno Marsudi ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Inkastoo Taliska Militariga Israel aanay weli ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay ee Isbitaalka Indonesian, haddana Israel ayaa maalmahaanba sheegeysay in Xamaas ay isbitaalada Gaza u adeegsato hawlgaladeeda.

Isbitaalkan oo dhismihiisa la bilaabay sanadkii 2011 ayaa si rasmi ah Gaza looga hirgeliyay sanadkii 2016, markaas oo xarigga uu ka jaray Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Indonesia, Muhammad Jusuf Kalla, waxaana maalgeliya ururo khayri ah oo ka dhisan dalkaasi.