Ciidamada Israel oo weerar aan noociisa la arag ka sameeyay Isbitaalka Ibn Sina

Ciidamada Israel oo isu soo ekeysiiyay shaqaale caafimaad iyo dad rayid ah ayaa maanta saddex qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay gudaha isbitaalkan oo ku yaala Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Dilka ayaa waxaa gaystay ciidan qarsoon, xilli xubnaha la dilay ay hurdayeen Isbitaalka Ibn Sina.

Maamulka Isbitaalka Ibn Sina ayaa sheegay in isbitaalka uu ka dhacay shirqool lagu dilay saddex nin oo dhallinyaro ah.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee fadhigeedu yahay Magaalada Ramallah ayaa xaqiijisay in isbitaalku uu ka dhacay hawlgal lagu dilay saddex nin oo dhallinyaro reer Falastiin ah.

"Ciidamada Israel oo saaka xoog ku galay Isbitaalka Ibn Sina ee Jenin ayaa furay rasaas, waxaana ku shahiiday saddex nin oo dhallinyaro ah." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Taliska Ciidamada Israel ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in raggaasi ay ka tirsanaayeen Xoogaga Ururka Xamaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in raggan ay qorsheynayeen weerar ka dhan ah Israel, isla-markaana ay isbitaalka ka dhiganayeen gabaad.

Militariga Israel ayaa mid ka mid ah ragga la dilay magaciisa ku sheegay Mohammad Jalamneh oo 27 jir ah, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu qorsheynayay weerar, isla-markaana uu xubnaha kale ku wareejinayay hub iyo rasaas.

Militariga ayaa sheegay in labada nin ee kale ee la dilay oo walaalo ahaa lagu kala magacaabi jiray Basil iyo Mohammad Ghazawi, isla-markaana ay ku lug lahaayeen weeraro.

Muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka ku xiran isbitaalka ayaa muujinaya illaa toban nin oo isu soo ekeysiiyay shaqaalaha caafimaadka iyo saddex qof oo kale oo ku labisan dharka haweenka, kuna dhex soconaya isbitaalka, iyagoo wata qoryo.

Weerarkan oo hadalhayn badan dhaliyay ayaa argagax ku abuuray shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada xaaladdooda lagu la tacaalayo isbitaalkaasi.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay dilka ka dhacay isbitaalka mid aad u fool xun iyo dembi ka dhan ah bani'aadantinimada.

Ururka Xamaas oo war ka soo saaray weerarkaasi ayaa sheegay in dembiyada ay gaysanayaan Ciidamada Israel aysan noqon doonin kuwo bilaa jawaab ah.

Xamaas ayaa ku hanjabtay in ay ka falcelin doonto dembiyada abaabulan ee lagu dilayo Falastiiniyiinta.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee Israel ka gaysato dhulka Falastiiniyiinta.

Tan iyo bilowgii duulaanka Israel ee Gaza, Ciidamada Israel ayaa si maalinle ah weeraro iyo xarig uga gaysta Daanta Galbeed ee Israel ay xoogga ku haysato.