Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe oo heegan la geliyay

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa heegan gelisay Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, ka dib weerarkii ballaarnaa ee Iran ku qaadday Israel.

Mareykanka ayaa waxaa gobolka ka jooga ciidan tiradooda lagu sheegay 45,000 oo askari, kuwaa oo saldhigyadooda ugu waaweyn ku leh dalalka Kuwait, Bahrain iyo Qatar.

Dowladda Mareykanka ayaa garab istaag weyn u muujisay Maamulka Israel, inkastoo aan la aqoon nooca ay noqon doonto jawaabta ay ka bixinayaan weerarkii xalay.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka, gabadha lagu magacaabo Adrienne Watson ayaa sheegtay in Madaxweyne Joe Biden uu si toos ah taageeradiisa ugu muujiyay Israel.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa saaka sheegay in Raysal Wasaaruhu uu khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka. Xafiiska ma faah faahin waxyaabaha ay labada hoggaamiye ka wada hadleen, balse waa wadalkii ugu horreyay ee ay yeeshaan, tan iyo intii Iran ay weerartay Israel.

Sidoo kale Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo teleefanka kula hadlay dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin ayaa ka wada hadlay weerarkii xalay iyo iskaashiga labada dhinac.

Wasiir Austin ayaa dhiggiisa Israel u sheegay in Mareykanka uu si buuxdo u garabtaagan yahay Tel Aviv, taas oo Gallant uu uga mahadceliyay.

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, waxaana laga baqdin qabaa in colaadda gobolka ay noqoto mid sii baahdo.

Xiisaddan ayaa dalal badan ku khasabtay in ay xiraan hawadooda, kuwaa oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qatar, Ciraaq, Kuwait, Jordan iyo Masar.

Dalalkan ayaa hakiyay duulimaadyadii shacabka, diblomaasiyiinta iyo militarigaba. Jordan iyo Masar oo kale waxay sheegeen in ay soo ridi doonaan wixii hawadooda soo mara.

Maadaama Iran ay weerarka ka soo qaadday gudaha dalkeeda ayaa waxay dowladahaan isku dayayaan inaanan hawadooda laga weerarin Israel.

Goor sii horreysay Iran ayaa dowladaha gobolka uga digtay in saldhigyo ku yaala dalalkooda laga soo weeraro gudaha Iran, haddii kalena ay Tehran ka bixin doonto jawaab adag.

Mareykanka iyo Israel oo weerar toos ah ku qaado Iran ayaana gobolka u bedeli doonto furin dagaal.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda kacsan ee gobolka ayaan la aqoon halka ay ku dambayn doonto.