Ciidamada oo gudaha u galay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa Maqribnimadii xalay gudaha u galay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Macawiisley oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay ka gudbeen barro ay maleeshiyada Al Shabaab ka ilaalinayeen amniga degmadaasi.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Difaaca Shacabka ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceeldheer.

Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ayaa bogaadiyay hawlgal qorsheysan oo sida uu sheegay ay Macawiisleyda halkaasi kaga saareen maleeshiyada Shabaabka.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay xubno ka mid ah Shabaabka hubeysan, xubno kalena ay Xoogaga Macawiileyda gacanta ku soo dhigeen.

"Waxa maalmaha soo socda dhici doona ayaa noqon doona kuwa ay ku naalloodaan bulshada bariga Galgaduud." Ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa yiri "Madaxda Qaranka guud ahaan, gaar ahaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa aan u soo jeedinayaa inay dardargeliyaan hawlgalada, lana garabsiiyo Xoogaga Deegaanka, kuna abaalmariyaan dadaalada iyo naf hurnimada Ciidanka Difaaca Deegaanka, sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin hawlgalada joogtada ah."

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xoogaga Macawiisley ay dib uga soo baxeen degmadaasi, haatana ay ku sugan yihiin duleedkeeda.

Macawiileyda ayaa 11-kii bishii hore ee November weerar qorsheysan ku galay degmadaasi, inkastoo saacado ka dib ay dib u soo banneeyeen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii August soo banneeyay saldhigyadii ay ku lahaayeen Degmada Ceeldheer, ka dib weerar uu dhiig badani ku daatay oo Shabaabku ay 26-kii bishaasi ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ka wada hawlgalo lagu doonayo in ay Al Shabaab kaga saaraan dhulka ay ka maamusho goboladaasi.