Ciidamada Ukraine oo weeraray warshadda saliidda sifeysa ee Tuapse

Ciidamada Ukraine ayaa Talaadadan weeraray warshadda saliidda Tuapse ee Ruushka, iyadoo dab weyn uu ka kacay goobta ay ku taalo warshaddaasi.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Ukreeniyiinta ay weerarka ka dhacay Magaalada Tuapse u adeegsadeen diyaarad drone ah.

Weerarka ayaa sababay dab weyn oo qabsaday xarunta warshadda saliidda oo ku dhex taalo Dekedda Tuapse, waxaana la arkayay qiiq cirka isku shareeray hawada magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in weerarku uu yahay kiisii 3aad ee lagu qaado Dekedda Badda Madow saaran, in ka yar laba toddobaad gudahood.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa weerarka ku tilmaamay inuu caddayn u yahay weerarada sii kordhaya ay Ciidamada Ukraine ku hayaan kaabeyaasha rayidka.

Putin ayaa ka digay in weerarada sii socda ee xarumaha tamarta Tuapse ay sababi karaan cawaaqib xumo deegaan.

War ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in Kyiv ay uga sii dareyso hubinta la'aanta sahayda tamarta adduunka ee ka jirta suuqyada caalamiga ah.

Taliska Militariga Ukraine ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay fuliyeen weerarka, waxayna ku sheegeen mid qayb ka ah dadaalada lagu carqaladeynayo wax soosaarka warshadaha saliidda ee Ruushka.

Militariga Ukraine ayaa sheegay inay beegsanayaan xarumaha tamarta, bacdamaa ay Moscow ka hesho dhaqaalaha ay ku sii wadeyso dagaalka Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa sanadkii 5aad dagaal kula jira Militariga Ruushka ee 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duulay dalkaasi.