Midowga Yurub oo ka horyimid dalabka Mareykanka ee in la furo Hormuz

Midowga Yurub ayaa ka horyimid dalabka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee ku saabsan inay gacan ka gaystaan dib u furista Marinka Hormuz, kaas oo ku xirmay dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub oo Isniintii ka arrinsaday, sidii loo sugi lahaa marin biyoodka Hormuz ayaa waxay goor dambe shaaciyeen inay go'aansadeen inaanay diyaar u ahayn in ay sii ballaariyaan hawlgalka badda ee Bariga Dhexe.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas ayaa sheegtay in Yurub aanu wax dan ahi ugu jirin inay gasho dagaal furan.
Haweeneydan oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Brussels, ka dib kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa xustay in Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee ku sugan Badda Cas ay mar horeba door muhiim ah ka qaadanayeen ilaalinta xorriyadda socdaalka.
Waxay sheegtay inaanu jirin rabitaan ay dalalku ku xoojinayaan Hawlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas ee lagu magacaabo Aspides.
Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub aanu maraakiib dagaal u diri doonin marin biyoodka xiran ee Hormuz, iyadoona sababta ku sheegtay "Kani ma ahan dagaal Yurub."
Wasiirada Tamarta ee Midowga Yurub oo sidoo kale ku kulmay Brussels ayaa isku raacay in diiradda la saaro, sidii loo dhimi lahaa sicirka sahayda tamarta, iyadoo aan looga sii darayn colaadda Bariga Dhexe.
Madaxa Tamarta iyo Guriyeynta ee Midowga Yurub, Dan Jørgensen ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ee Midowga Yurub ay tahay wax ka qabashada qiimaha saliidda ee kor u sii socda.
Dan Jørgensen ayaa la hawlgalayaasha Yurub ugu baaqay in loo jeesto, sidii loo dejin lahaa suuqyada tamarta caalamiga ah ee kacsan.
Dhanka kale Wasiirada Difaaca ee Jarmalka, Boris Pistorius iyo Spain Margarita Robles ayaa si cad u sheegay in dagaalkan aanu khuseyn Yurub.
"Kani ma ahan dagaalkeenna, annagana ma aanan bilaabin." Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Jarmalka.
"Spain weligeed ma aqbali doonto tallaabooyin joojin ah." Ayay tiri Margarita Robles, Wasiirka Difaaca Spain.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani ayaa Saxafiyiinta u sheegay in loo baahan yahay in ay diblomaasiyaddu shaqeyso.
Ingiriiska oo ah xulafo muhiim ah oo Mareykanku uu ku leeyahay Yurub ayaa ka horyimid in ay maraakiibtooda dagaalka u soo diraan Bariga Dhexe, iyadoo la cadaadinayo.
Raysal Wasaare Keir Starmer ayaa sheegay in uu la shaqeynayo dhammaan xulafada Ingiriiska, si loo soo celiyo xorriyadda socdaalka ee Hormuz, isagoona sheegay in hawlgalkan aanu noqon doonin mid fudud.
Starmer ayaa dhanka kale sheegay in Ingiriiska aan loo soo jiidi karin in la geliyo dagaal weyne, ayna tahay in hawlgal kasta oo lagu furayo Hormuz uu noqdo mid ballaaran, isla-markaana ay qayb ka yihiin dalalka Mareykanka iyo kuwa Gacanka Khaliijka.
Tani waxay ka tarjumeysaa in xulafada Mareykanka ee Yurub aysan wax niyad ahi u hayn dagaalka Iran, marka aad aragto in Berlin illaa London ay muujinayaan inaysan lahayn qorshe degdeg ah, oo ay ku taageerayaan dib u furista marin biyoodka muhiimka ah.
Iran ayaa si buuxda u xirtay marinka maraakiibta shidaalka ee halbowlaha u ah ganacsiga suuqyada caalamka, iyadoo ka jawaabeysa weerarada Mareykanka iyo Israel ee bilowday dhammaadkii bishii hore ee February.


