Ciidanka Danab oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo ay wehliyaan Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgalkan ka fuliyay deegaanka Miido, oo 25km u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa weeraray fariisimihii ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, iyadoona la sheegay inay fariisimahaasi burburiyeen.

Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbaland, Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in hawlgalka ay ku dileen 7 ka mid ah maleeshiyada Shabaabka, in ka badan 5 kalena ay kaga dhaawaceen.

Taliyaha ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in xubnaha hawlgalkaasi lagu dilay uu ka mid yahay horjooge uu magaciisa ku soo koobay Asad.

Miido waxay ka mid tahay deegaanada ay muddada dheer gacanta ku hayeen maleeshiyada Al Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS ee horey loo oran jiray (AMISOM) ayaa mar deegaankaasi la wareegay horaantii bishii September ee sanadkii 2012, inkastoo markii dambe ay dib u soo baneeyeen.

Hawlgalkan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee ay Shabaabku Talaadadii ka gaysteen deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60km dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo.