Daacish oo sheegatay weerarka ka dhacay Ruushka

Ururka Daacish oo isugu yeera Dowladda Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii xalay ka dhacay Caasimadda Moscow.

Daacish ayaa masuuliyadda ku sheegatay qoraal lagu daabacay Warbaahinta afkeeda ku hadasha ee Amaq News Agency.

Dabley hubeysan ayaa gashay hoolka weyn ee bandhig faneedka ee Crocus, xilli ay dadweyne fara-badan kaga qaybgelayaan bandhig ay qabanayeen koox fannaaniin oo Russian ah.

Kooxahan ayaa la sheegay in weerarka ay u adeegsadeen rasaasta nool nool iyo qaraxyo, iyadoona uu dab ka kacay dhismihii uu banhdhigga ka bilaabanayay.

Inta la ogyahay 40 qof ayaa ku dhimatay weerarka, in ka badan 100 kalena way ku dhaawacantay, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Ruushka ee Taas.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in raggii weerarka gaystay ay u suurtagashay in ay ku baxsadaan gaari cad oo Renault ah.

Weerarka ayaa sababay in dab weyn uu qabsado dhismaha hoolka Crocus. Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaana sheegtay in saqafka sare ee goobta uu qayb ka soo dumay.

Muuqaal lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya uuro cirka isku shareertay oo ka imaanaysa halka uu weerarku ka dhacay. 

Dhismaha Crocus ayaa ah goob muusik oo sidoo kalena leh xarumo laga dukaameysto, waxaana uu ku yaallaa Degmada Krasnogorsk ee waqooyiga Magaalada Moscow.

Weerarka ayaa dhacay, ka hor inta aysan goobta gaarin Fannaaniinta Ruushka ee Picnic, oo iyagu bandhig faneed ku qabanayay hoolkaasi.

Maamulaha kooxda ayaa u sheegay Warbaahinta in fannaaniintu ay badqabaan.