Ruushka oo duqayn ballaaran ku ekeeyay Magaalada Kyiv
Militariga Ruushka ayaa Axaddii weerar gantaalo iyo drones ah ku garaacay Magaalada Kyiv iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo ay ku dhinteen afar qof, ku dhawaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ukraine.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu si waali ah u soo weeraray Caasimadda Kyiv iyo nawaaxigeeda, isagoo adeegsanaya boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, oo uu ku jiro gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Oreshnik, waxayna ku sheegeen mid ka mid ah duqaymihii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada, tan iyo markii uu bilowday dagaalka.
Weerarkan ayaa yimid, ka dib markii Moscow ay Sabtidii ku hanjabtay inay ka aargudan doonto weerarada ay Ukreeniyiintu ka gaysanayaan dhulka Bariga Ukraine ee la qarameeyay.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xaqiijisay in gantaalka ballaastikada ah ee Oreshnik ay ku garaaceen Ukraine, waana markii saddexaad ee ay gantaalkaasi u adeegsadaan dagaalka sanadkiisii shanaad ka socdo dalkaasi.
"Iyadoo laga jawaabayo weeraradii argagixisanimo ee Ukraine ee kaabeyaasha rayidka ee dhulka Ruushka, Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka ayaa qaaday weerar aad u ballaaran, iyadoo la adeegsanayo gantaalada ballaastikada ee Oreshnik, gantaalada hawada ee Iskander, gantaalada hawada sare ee Kinzhal iyo gantaalada Tsirkon iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn." Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Qaraxyo waaweyn ayaa waaberigii hore Axaddii laga maqlay Kyiv, wax yar uun ka dib, markii Ciidanka Cirka Ukraine ay soo saareen digniin ah in Ruushka laga yaabo inuu isticmaalo gantaalada ballaastikada.
Taliska Ciidanka Cirka Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu weerarka u adeegsaday 600 oo drones iyo 90 gantaal oo kuwa hawada, badda iyo dhulka laga tuuro ah.
Saraakiisha Ukraine ayaa sii ogaa in Ruushka uu adeegsan karo gantaalka aan laga hortagi karin ee Oreshnik, marka loo eego hanjabaaddiisii ugu dambeysay.
Ciidamada Ruushka ayaa markii ugu horreysay gantaalkan u adeegsaday dagaalka Ukraine, 21-kii bishii November ee sanadkii 2024, markaas oo ay ku garaaceen Magaalada Dnipro.
Weerarka Kyiv ayaa sababay burburka 40 goobood oo ku yaala dhowr degmo oo caasimadda ah, oo ay ku jiraan dhismayaal la degan yahay iyo madxaf, sida uu sheegay Madaxa Militariga Kyiv, Tymur Tkachenko.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa Kyiv, balse goobo kale ayuu sheegay in sidoo kale la duqeeyay, isagoo intaasi ku daray in illaa 100 qof ay ku dhaawacmeen.
Duqa Magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in laba qof lagu dilay caasimadda, 81 kalena lagu dhaawacay. Laba qof oo kale ayuu sheegay in lagu dilay duleedka magaaladaasi.
Ruushka ayaa weerarkan kaga jawaabayay duqayn ay Ciidamada Ukraine Jimcihii ku garaaceen guri ay ardaydu seexdaan oo ku yaala Magaalada Starobilsk ee Gobolka Bariga Ukraine ku yaala ee Luhansk ee la haysto. Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 21 qof.
Militariga Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in ay habeenkii Jimcaha weerareen cutubyo militari oo Russian ah, waxayna beeniyeen in ay beegsadeen goob rayid.

















