Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Degmada Aadan Yabaal

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xoogan ka dhacay duleedka Degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa maalintii saddexaad hawlgal ka wada duleedka degmadaasi, iyagoona kula dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay isku dayayaan, sidii ay isaga caabin lahaayeen ciidamada, si aan looga saarin degmadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ka socdo aagga Aadan Yabaal ay barbar socdaan weeraro gaadmo ah, oo Shabaabka iyo Macawiisleyda ay isugu gaysanayaan xuduudda labada gobol.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay weeraro ku soo qaadayaan deegaanada saaran xuduudda, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Ceel-hareeri, iyagoo adeegsanaya waddada dhulka hawdka.
Macawiisleyda oo ku daadsan dhulka hawdka ee xuduudda goboladaasi ayaa dhaba-gal u sameynaya Shabaabka, isla-markaana ay Shabaabku dhibaato badan ka haysato Macawiisleyda reer Hiiraan oo aadba mooddo in ay dhuunta u galeen, marka aad eegto in ay ka hortaagan yihiin in ay isku fidiyaan gobolkaasi iyo inay xitaa ka soo gudbi la'yihiin xadka u dhaxeeya Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori.
Ciidamada ayaa Axaddii bilaabay inay soo hujuumaan Degmada Aadan Yabaal, ka dib markii ay maleeshiyada Al Shabaab ku fashilmeen weerar ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan fariisimaha ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ku leeyihiin bannaanada hore ee deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Shabaabka oo weerar culus ku soo qaaday Ceel-hareeri ayaa filaayay in ay la wareegi doonaan, si ay culeyska uga qafiifiyaan maleeshiyadooda ku go'doonsan deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde ee bariga gobolkaasi.
Dagaalada tan iyo Sabtidii dhex marayay dhinacyadaasi ayaa gaystay khasaare ballaaran, walow aanay jirin ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara inta uu khasaaruhu le'egyahay.