Dagaalka Gaza iyo sida uu khatar weyn ugu noqday Bariga Dhexe

Ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo labada Wasiir ee ugu mayalka adag ee xukuumaddiisa ka tirsan ay ku madax adeygeen inaanan la joojin dagaalka Gaza ayaa waxay dhalisay in dagaalka uu si toos ah ugu fido qaybo ka mid ah Gobolka Bariga Dhexe.

Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich oo axsaabta midigta fog ku metela xukuumadda ayaa ku hanjabay inay dumin doonaan xukuumadda isbahaysiga ku dhisan, haddii ay aqbasho xabad joojin waarta, iyadoo aan laga adkaan Xamaas.

Madaxda Israel ayaa caalamka ku gacan seyray baaqyadii joogtada ahaa ee loogu jeedinayay in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza, bacdamaa bulshada caalamka iyo tan gobolkaba ay ka soo horjeedaan dhiigga dadka rayidka ah ee daadanaya.

Tani waxay natiijadeeda noqotay in Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan uu kordhiyo gantaalada maalinlaha ah ee ay ku weerarayeen deegaanada waqooyiga Israel iyo in Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ay ka gudbaan weeraradii ay ku hayeen maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, isla-markaana ay bilaabaan inay si toos ah gantaalo ugu weeraraan dhulka Israel.

Intaasi ka dib heerka khatarta ee dagaalka ayaa ka gudubtay Gaza oo keliya, waxayna cabsi badan ka dhalisay gudaha Israel, waxayna madaxda maamulkaasi go'aansadeen in dagaalka lagu ballaariyo dalka Lubnaan, iyadoona ay xitaa diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedyo ka fuliyeen dalka Yemen.

Israel ayaa markii ugu horreysay waxay 20-kii bishii July ay weerar culus oo xagga cirka ah ku qaadday dalka Yemen, iyadoo ka aargudaneysa weerar uu hal qof ku dhintay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen oo Xuuthiyiinta ay July 19-keedii ka gaysteen Magaalada Tel Aviv.

Sidoo kale, Israel ayaa 23-kii bishii hore ee September bilowday inay si ba'an dhanka cirka uga garaacdo dalka Lubnaan, iyadoo ka jawaab celineysa gantaalada Ururka Xisbullah ee amni darrada ka abuuray waqooyiga Israel, dad badan oo Israeliyiin ahna ay ku barakaceen.

Iyadoo Israel ay iska indha tireyso dalabaadyadii Xisbullah iyo Xuuthiyiinta ee ku saabsaneyd inay dagaalka joojinayaan oo keliya, marka xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza ayay 1-dii bishan ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay hawlgal xadidan ka bilaabeen deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan, hawlgalkaas oo marii dambe la ballaariyay 7-dii bishan.

Ciidamada Israel ayaa hadda si buuxda uga dagaalamaya deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan, ayna iska caabin xoog badan kala kulmayaan Xoogaga Xisbullah.

Dagaalku waxa uu u muuqdaa mid lugtaa furan ah, inuu kordho mooyee waxaa aad u yar rajada laga qabo in uu istaago, haddii aysan wax mucjiso ahi dhicin.

Ururada hubeysan ee dalka Ciraaq ayaa xitaa isku dayaya in ay kordhiyaan duqaymaha ay ku hayaan koonfurta Israel. Kooxaha wax iska caabinta ee ay Iran kaabto waxay ka soo horjeedaan duulaanka Israel ee Gaza iyo Lubnaan, waxaana jirta baqdin ay hadda badani ka qabaan in dagaalka ay ku soo biirto Iran, iyadoo indhaha lagu hayo jawaabta ay Israel ka bixin karto weerarkii Iran ay 1-dii bishan ku qaadday gudaha Israel.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo gelinkii dambe ee Arbacadii Warbaahinta ka soo muuqday ayaa ku hanjabay in Iran ay tahay inay wajahdo cawaaqib xun.

Iran waxay sheegtay in weerarada gantaal ay kaga jawaabeysay dilkii ay Israel Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran, haddana aysan dooneyn dagaal ay la gasho Israel, waxayse sheegtay in weerar kasta oo haatan kaga yimaada Israel ay ka bixin doonto jawaab ka xoogan, middii hore.

Mareykanka ayaa ka soo horjeedo in Israel ay garaacdo xarumaha tamarta nukliyeerka iyo weliba saliidda ee Iran, taasna ay bilow u noqon doonto dagaal goboleed ka qarxa Bariga Dhexe.

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ma diidana in Israel ay ka aargudato Iran, balse aysan ku taageereyn inay isku taabato meelaha aysan Iran ka kaftamin, si looga fogaado dagaal aan la arkin cid ay dan ugu jirto.

Warbaahinta Israel wax shaki ah ma gelinayaan suurtagalnimada in ay bartilmaameed noqon karaan kaabeyaasha rayidka ee Iran, waxayse cid walba ka walaacsan tahay falcelin ka iman doonta.

Tani waxay ku tusinaysaa in dagaalkii sanad ka hor ka bilowday Gaza, kuna fiday Lubnaan uu hadda qarka u saaran yahay inuu isu bedelo mid goboleed.