Dalalka G7 oo cambaareeyay weerarada Israeliyiinta ka wadaan Daanta Galbeed

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah G7 ayaa cambaareeyay falalka rabshadaha ah ee Israeliyiinta la dejiyay Daanta Galbeed ay ku hayaan Falastiiniyiinta.

Wasiirada oo Sabtidii ka qaybgalay shirka amniga ee Munich ayaa Israeliyiinta xagjirka ah ku eedeeyay inay rabshado ka abuurayaan Daanta Galbeed, taas oo marka dambena ay soo fara-geliyaan Ciidamada Israel oo dil iyo xarigba kula kaca shacabka Falastiiniyiinta.

Kooxahan ayaa loo haystaa in ay gadaal ka riixayaan deegaamayn cusub, oo Maamulka Israel uu ka sameynayo dhulka Falastiiniyiinta, iyaga oo qoysaska Falastiiniyiinta qaarkood si khasab ah uga saaraya guryahooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani oo ku hadlayay afka dalalka G7 ayaa kooxahaasi ku eedeeyay in billihii ugu dambeeyay ay xaalad adag ka abuureen Daanta Galbeed.

Dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa dhawaan cunaqabateyn ku soo rogay mintidiinta Israeliyiinta, sababo ku aaddan xadgudubyada ay Daanta Galbeed ka sameynayaan.

Qaramada Midoobey iyo inta badan dalalka caalamka ayaa deegaamaynta u arka keliya mid aan sharci darro ahayn, balse sidoo kale ay wiiqeyso dadaalada xalka loogu raadinayo colaadda muddada dheer ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israel.

Madaxweyne Joe Biden oo dhawaan arrimahan kala hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka dalbaday in uu wax ka qabto xadgudubyada ay isu baheysanayaan ciidamada iyo Israeliyiinta xagjirka ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Tan iyo bilowgii duulaanka Israel ee Gaza, xaaladda Daanta Galbeed ayaa ahayd mid aad u kacsan.

Dhanka kale Antonio Tajani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa sheegay in dowladaha G7 ay taageersan yihiin rabitaanka ah in la gaaro xalka laba dowladood, iyadoo markaasi la yegleelayo dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ka barbar dhalata Israel.

"Geeddi-socodka wuxuu suurtagelinaya in dagaalka la joojiyo, lana sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza." Ayuu yiri Tajani.

Tajani ayaa intaasi ku daray "Ujeedada ah in la gaaro xalka laba dowladood, iyada oo loo marayo joojinta dagaalka Gaza ayaa ogolaan doonta xorriyadda shuruud la'aanta ah ee in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta iyo caawinta dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee u baahan gargaarka bani'aadantinimo. Markaas wada-xaajoodyada bilaaban doono waxaan rajeynaynaa inay horseedaan nabad."

Reer galbeedka ayaa isku dayaya in ay iska dhaqaan fadeexadda ka qabsatay in ay ku guuldareysteen hirgelinta Dowladda Falastiin iyo inaanay waxba ka qabanayn Israel oo si joogto ah ugu xadgudubta shuruucda caalamiga ah.

Iyadoo bulshada caalamka ay ka walaacsan tahay xaaladda daran ee bani'aadantinimo ee ay Israel ka abuurtay Marinka Gaza ayuu Raysal Wasaare Netanyahu uu wadaa tallaabooyin uu uga sii darayo xaaladda, isaga oo xalay ku celiyay in ciidamadiisa ay furin cusub ka bilaabi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza, waana deegaankii ugu dambeeyay oo ay gabaadsanayaan ku dhawaad 1.5 milyan oo barakacayaal ah.