Dibadbax lagu dalbanayo joojinta duulaanka Gaza oo ka dhacay Berlin

Dadweyne fara-badan oo ka walaacsan xasuuqa Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa maanta socod ku maray waddooyinka Magaalada Berlin ee xarunta dalkaasi Jarmalka.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Degmada Kreuzberg illaa albaabka Brandenburg ee bartamaha magaalada caasimadda ah ee Berlin.
Dibadbaxayaasha oo xirnaa astaanta Falastiiniyiinta ayaa watay boorar ay ku cambaareynayaan weerarada Israel ee Marinka Gaza iyo kuwo kale oo ay ku qoran yihiin "jooji xasuuqa".
Dibadbaxayaasha ayaa ku baaqay in Israel ay ciidamadeeda joojiyaan duqaymaha baahsan ay dadka rayidka ah ku leynayaan, ee ka socda magaalada go'doonsan ee Gaza.
Hoggaanka bannaanbaxayaasha oo lulaya Calanka Falastiin ayaa ku baaqay in dunida ay ka shaqeyso xorriyadda Falastiiniyiinta.
Bannaanbaxaan ayaa qayb ka ah dibadbaxyada ka dhacaya Magaalooyinka Qaaradda Yurub ee lagaga soo horjeedo gacanta adag ee Israel ku wajaheyso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Xilli bulshada galbeedka loo arko kuwo ka biyo diidan dembiyada ka dhacaya Gaza, haddana madaxdooda ayaa lagu eedeeyaa kuwo Israel ku gacan siinaya xasuuqeeda ka dhanka ah dadka rayidka ah.


