Diyaarad ka kaceysa Garoonka Diyaaradaha Beirut, iyadoo magaalada la duqaynayo
Waxaa Talaadadii barraha bulshada lagu baahiyay diyaarad nooca rakaabka ah oo ka duuleysa Garoonka Diyaaradaha Rafic Hariri ee Magaalada Beirut, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay garaacayaan bartilmaameedyo ku yaala koonfurta magaaladaasi.
Sawirrada ayaa muujinaya diyaaradda oo ka duushay garoonkaasi, iyadoo uu qiiq/uuro ka dhashay goobihii la duqeeyay ee magaalada.
Arrinta argagaxa leh ee la hadal hayo ayaa ah in Israel ay aad weeraradeeda ugu fidisay nawaaxiga garoonkaasi, isla-markaana aysan wax taxadar ah ka muujineyn in garoonku uu bartilmaameed noqon karo, inkastoo lagaga digay inay waxyeeleyso. Tani waxay calaamad u tahay heerka khatarta ee ka jirta Caasimadda Beirut.
Israel ayaa horey ugu hanjabtay inaysan meel-na uga hari doonin Xisbullah, ayna ku beegsan doonto bugcad kasta oo dalkaasi ah.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in Ciidanka Cirka Israel ay marar kala duwan duqeeyeen dhismayaal ku yaala xeendaabka garoonkaasi.
Howlihii shaqo ee garoonka ayaa u muuqdo mid istaagay, sababtoo ah Israel oo weeraro ka ka fulineyso xaafadaha koonfureed ee magaalada, halkaas oo Xoogaga Xisbullah ay ku xoogan yihiin.
Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Garoonka Diyaaradaha Beirut, illaa iyo inta ay arrimuhu wax iska bedelayaan.
Garoonka Rafic Hariri ayaa waxaase mararka qaarkood ka dega diyaarado ay la socdaan madaxda booqaneysa magaalada, kuwa Qaramada Midoobey iyo diyaarado kaloo la soo kireystay, oo la doonayo in lagu samatabixiyo dadka shisheeye ee ku xaniban magaaladaasi.
Dalalka caalamka oo walaac ka muujinaya xaaladda dalkaasi ayaa isku dayaya in ay muwaadiniintooda ka daadgureeyaan Beirut, iyadoo mararka qaarkood la adeegsanayo diyaaradaha militariga.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Isniintii Militariga Israel ku booriyay inaysan weerarin garoonkaasi iyo waddooyinka soo galaba, si muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka kale ee doonaya inay ka soo baxaan dalkaasi uu ugu noqdo meel ay ka dhoofaan.
Beirut waa meesha keliya ee suurtagalka tahay in ajaaniibta looga daadgureeyo diyaarado, marka loo eego dalka intiisa kale.
Walaaca caalamiga ah ee hadda jira waa in dagaalka Israel iyo Xisbullah uu noqdo mid jiitama, sida kan Gaza oo kale.