Diyaarad siday maxaabiis reer Ukraine oo la soo riday

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa maanta Ukraine ku eedeysay in ciidamadeeda ay soo rideen diyaarad militari oo ay leeyihiin Ciidamada Ruushka, taas oo ay la socdeen maxaabiis u dhashay dalkaasi Ukraine oo lagu qabtay dagaalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in maxaabiista dagaal la doonayay in ay qayb ka noqdaan qorshaha socda, ee ay dhinacyadu isku weydaarsanayaan maxaabiista.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiistan la qorsheeyay in ay qayb ka noqdaan maxaabiis is dhaafsi ballaaran, oo ay labada dal qorsheynayeen inay sameeyaan.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dhammaan 74-kii qof ee la socday diyaaradda Ilyushin Il-76 ay dhinteen, ka dib markii ay ku burburtay Gobolka Belgorod oo ku dhow xuduudda Ruushka iyo Ukraine.

"Diyaaradda waxaa burburiyay Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine oo ka yimid aagga Liptsy ee Gobolka Kharkiv, iyaga oo isticmaalaya gantaalaha lidka diyaaradaha." Ayay lagu sheegay bayaanka.

Diyaaradda ayaa la arkayay iyadoo ku soo dhaceysa deegaanka Yablonovo oo ka tirsan Degmada Korocha ee Gobolka Belgorod.

"Qalabka raadaarka ee Ciidamada Cirka Ruushka ayaa arkay laba gantaal oo Ciidamada Ukraine ay ku soo rideen diyaaradda." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Belgorod, Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in 65 ka mid ah dadkii diyaaradda la socday ay ahaayeen maxaabiis reer Ukraine ah, kuwaa oo Moscow ay ugu talagashay in ay ka mid noqdaan maxaabiista la wareejinayo, sida uu yiri.

"Ma jirto cid ka badbaaday dhammaanba rakaabkii diyaaradda la socday." Ayuu yiri Vyacheslav Gladkov, Barasaabka Gobolka Belgorod.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay baarayaan sida ay wax u dhaceen, waxayna dadka u sheegeen inaanay ku qancin eedeymaha ka imaanaya Ruushka, iyadoo aan la helin natiijada baaritaanka.

Diyaaradda ayaa xilligii ay weerarka la kulmeysay ku sii jeeday Belgorod. Moscow waxay sheegtay in dhammaan maxaabiista geeriyootay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Ukraine.

In ka badan 8,000 oo Yukreeniyaan ah oo isugu jira militari iyo rayid ayaa ku jira gacanta Ruushka, sida uu sheegay Yuriy Taraniuk oo ka tirsan Saraakiisha Ukraine.