Diyaaradaha Israel oo garaacay dhisme la degan yahay oo ku yaala Beirut

Diyaaradaha dagaalka Israel oo sii wada duqaymaha baahsan ay ka gaysanayaan dalka Lubnaan ayaa beegsaday dhisme la degan yahay oo ku yaala Caasimadda Beirut.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa maanta sheegtay in sagaal qof oo rayid ah ay ku dhinteen, 14 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday mid ka mid ah dabaqyada badan ee Bachoura.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun caafimaad oo xiriir la leh Ururka Xisbullah.

Waa weerarkii ugu horreyay oo Israel ay ka gaysato meel u dhow Xarunta Beirut, oo wax yar uun u jirto Dhismaha Baarlamaanka Lubnaan.

Goobta uu weerarku ka dhacay waxay kaloo kaabiga ku haysaa halka ay ku yaallaan Safaaradaha Britain, Belgium, Switzerland, Malaysia iyo India.

Militariga Israel ayaa sheegay in ay wadaan hawlgalo ay ku beegsanayaan kaabeyaasha militari iyo xarumaha kale ee Xisbullah.

Militariga Israel ayaa ku hanjabay inay sii socon doonaan hawlgaladooda Beirut ee ka dhanka ah Ururka Xisbullah.

Militariga ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in maanta oo keliya ay laba boqol oo bartilmaameed ka fuliyeen dalkaasi Lubnaan.