Dowladda Federaalka oo deeq lacageed ku wareejisay Safaaradda Turkiga

Dowladda Somaliya ayaa maanta deeq lacageed ku wareejisay Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho, ka dib munaasabad lagu qabtay Golaha Murtida & Madadaalada Qaranka (National Theatre).

Lacagtan oo gaareysa $4,818,477, una badan mid shacabka Soomaaliyeed laga soo uruuriyay ayay Dowladda Federaalka ugu talagashay in la gaarsiiyo dadka dalkaasi ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii 6-dii bishii hore ee February ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyi galbeed Suuriya.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo munaasabadaasi ka qaybgalay ayaa deeqdaasi lacageed ku wareejiyay xubno ka socday Safaaradda Turkiga.

Raysal Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka Turkiga uga mahadceliyay garab istaagga qiimaha badan, ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga.

Raysal Wasaare Barre ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tuseyso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, isagoo mar kale dowladda iyo shacabka Turkiga uga tacsiyeeyay dadkii tiradda badnaa, ee ay ku waayeen dhulgariirkii is xigxigay ee dalkaasi ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in lacagtan ay ku soo uruuriyeen muddo labaatan cisho ah.

Marka laga soo taggo in ku dhawaad 45 kun oo qof oo dadka dalkaasi ay dhulgariirkaasi ku dhinteen, haddana waxaa jira mallaayiin kale oo ku guryo beelay.