Dowladda Federaalka oo ka hadashay dagaalka culus ee ka dhacay Gobolka Mudug

Dowladda Federaalka ayaa bogaadisay guulaha ay maanta ciidamadu ka gaareen hawlgalka ballaaran, ee ay ka wadaan Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ay maleeshiyada Al Shabaab kala wareegeen laba deegaan oo muhiim ah, kuwaa oo lagu sheegay Qodqod iyo Sargo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay 30 ka mid ah maleeshiyadaasi, lagana gubay afar gaari, sidoo kalena ay ciidamadu dagaalka ku qabsadeen laba gaari iyo hub.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in Shabaabku ay isku dayeen inay dagaal kala hortaggaan ciidamadii ku wajahnaa Qodqod, hase yeeshee halkaasi loogu gaystay jab xoogan, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

"Dowladda Somaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dulqaadaan, garabna istaaggaan Ciidanka Qaranka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa kaloo warsaxaafadeedka lagu sheegay "Waxaa ka go’an Dowladda Federaalka oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagarqabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiiran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla-markaana ka dhaga-adayga in ay ka haraan fekerka iyo ficilada Khawaarijta."

Maleeshiyada Shabaabka ee gelinkii dambe ee maanta dagaalka looga saaray deegaanka Qodqod ayaa haatan ku sugan deegaanka Cammaara, oo ciidamaduna ay ku sii socdaan.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa jihooyin kala duwan kaga sii socda deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan Koonfurta Gobolka Mudug.