Dowladda Jarmalka oo sheegtay in la sii daayay laba ka mid ah muwaadiniinteeda

Dowladda Jarmalka ayaa xaqiijisay in Ururka Xamaas uu xalay sii daayay laba ka mid ah muwaadiniinta Jarmalka ee lagu haysto Marinka Gaza.
Xamaas ayaa xalay sii deysay 11 qof oo Israeliyiin ah, balse sidoo kale haysta dhalashada dalalka Argentina, Jarmalka iyo Faransiiska.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa sheegtay in laba dhallinyaro oo Jarmal ah ay ka mid ahaayeen la haysteyaasha la sii daayay.
"Ka dib 52 maalmood oo ay ku jireen silic iyo rajo xumo, hooyadood ayaa mar kale gacmaheeda ku qaban doonta." Ayay tiri Annalena Baerbock.
Annalena Baerbock ayaa tiri "Fekradaydu waxay la jirtaa qoysaska weli qaba cabsida. Waxaan sameynaynaa wax walba oo aan awoodno, si aan u hubino in ay mar kale isku duubi karaan, kuwa ay jecel yihiin."
Waxay bogaadisay labada maalmood ee lagu kordhiyay heshiiska xabad joojinta, si loo sii daayo la haysteyaasha kale, gargaarkana loo gaarsiiyo dadka Gaza.
"Muddo kordhinta xabad joojinta waa waqti qiimo leh, si aynu u caawino dadka Gaza. Waa ifafaale rajo ah, si aynaan u lumin aragtida waxa noqon kara, waana tallaabo la taaban karo oo loo qaaday mustaqbal ammaan ah dhammaan dadka gobolka." Ayay tiri Annalena Baerbock.
Dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii uu heshiisku u sii socon lahaa.


