Dowladda Koonfur Afrika oo xireysa Safaaradda Israel ee Pretoria

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku howlan in ay albaabada isugu laabto Xarunta Safaaradda Israel ee Magaalada Pretoria, ka dib markii Xildhibanaada Baarlamaanka ee dalkaasi ay meelmariyeen in la xiro Safaaradda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ansixiyay qaraar lagu dalbanayo in Pretoria ay xiriirka u jarto Tel Aviv, illaa inta laga dhaqangelinayo xabad joojin lagu soo afjarayo duulaanka Israel ee Gaza.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in si toos ah xiriirka loogu jaro Israel, iyadoo 248 Xildhibaan ay haa ugu codeeyeen dhaqangelinta qaraarkaasi, halka 91 Xildhibaan ay diideen. 

Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dowladdu ay fulin doonto go'aanka Xildhibaanada Baarlamaanka.

Afhayeenka Madaxtooyada, Vincent Magwenya ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirada oo ixtiramaya go'aankaasi ay dhaqangelin doonaan qaraarkan.

Madaxweyne Ramaphosa oo shalay galab khadka teleefanka kula hadlay Madaxweyneyaasha Ruushka, Vladimir Putin iyo Shiinaha Xi Jinping ayaa Israel ku eedeeyay in ay Gaza ka waddo xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta.

"Ciqaab wadareedka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Falastiiniiinta, iyada oo loo marayo adeegsiga sharci darrada ah ee ay Israel u adeegsaneyso waa dembi dagaal." Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Afrika.

"Diidmada ula kaca ah ee dawada, shidaalka, cuntada iyo biyaha loogu diiday dadka degan Gaza, waxay la mid tahay xasuuq." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa Jimcihii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ka codsatay in ay baaritaan ku sameyso dembiyada dagaal ee ay Israel ka gaysatay Gaza.

Magaalooyinka Koonfur Afrika ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay dibadbaxyo looga dalbanayo dowladda in ay xiriirka u jarto Israel iyo in Israel ay joojiso gabood-falada ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee muddada dheer baadigoobka ugu jiray in ay yeeshaan dowlad ka madaxbannaan gumeystaha.