Dowladda oo sheegtay in 30 ka mid ah xubnaha Al Shabaab lagu dilay Gobolka Mudug

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay hawlgal ka fuliyeen duleedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Carfuuda, oo qiyaastii 20km waqooyi bari kaga beegan Degmada Xarardheere lagu dilay 30 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

"Hawlgalka waxaa lagu beegsaday laba goobood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwo ay qaraxyo u diyaariyeen."

Warsaxaafadeedka laguma sheegin nooca uu hawlgalku ahaa, balse waxaa jira warar sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay dhulka miyiga ee Degmada Xarardheere, isla-markaana ay gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saaxiibada caalamiga ah.

Deegaanada fogfog ee ku xeeran Degmada Xarardheere ayaa ah aag ay ku xoogan yihiin Shabaabka, dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ahna uu aad ugu yar yahay.

Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee ka hawlgala Saldhigga Turksom ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeysay weeraro xagga cirka ah ka gaysanayay Gobolada Dhexe, taas oo Villa Somalia lagaga caawinayo la dagaalanka Shabaabka hubeysan.

Ma cadda in duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Gobolka Mudug ay fuliyeen Saraakiisha Turkiga ee adeegsada diyaaraddooda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 iyo in kale.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ay yihiin labada dowladood ee la ogyahay ee Dowladda Federaalka ka taageera hawlgalka dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado maleeshiyada Al Shabaab iyo madaxdoodaba.