Meydka Ajakis oo laga saaray khabuurihii uu ku sugnaa

Meydka marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ayaa maanta laga saaray Khabuuraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Qoyska iyo ehelada marxuumka ayaa go'aansaday in ay meydkiisa ka bixiyaan khabuurahaasi, ayna ku aasaan goob kale.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaalad cusub ay ka soo korortay khabuurahaasi, kuna aaddan in Dowladda Federaalka ay waddo qorshe lagu burburinayo khabuurahaasi.

Dadka ay eheladooda ku aasan yihiin Khabuuraha School Polizio ayaa maalmahaanba waday in meydadkooda ay dib uga soo saaraan khabuurahaasi, isla-markaana ay ku aasaan goobo kale.

Inkastoo aysan jirin war si toos ah uga soo baxay Dowladda Federaalka oo dadka loogu sheegayo in la burburin doono khabuurahaasi iyo ujeedada ka dambeysaba, haddana warka ku saabsan in la burburinayo ayaa ah mid si weyn ugu dhex faafay bulshada qaybaheeda.

Maxamed Cabdi Muriidi (Maxamed Jaceylow) oo uu dhalay marxuum AJakis ayaa sheegay in loo sheegay in dadka ku aasan khabuuraha oo dhan la wada bixin doono, qof kastana ay ehelkiisa la baxayaan.

"Maalin dhexdaas oo aan soo booqanay qabriga aabe ayaa waxaa na loo sheegay in dadka meesha ku aasan oo dhan la wada bixinayo, qof kastana ay qoyskiisa la baxayaan. Ama ha dhawaato ama ha dheeraato in qabriyada oo dhan laga wada bixin doono." Ayuu yiri Maxamed Jaceylow.

Maxamed Jaceylow ayaa Universaltv u sheegay "Sidaa awgeed waxaan go'aansanay inaan maanta meydka aabe ka bixino, meeshaan meel aan ahayna oo ammaano uu ku yahay weligiis aan laga bixin doonin, inaan gayno."

Ajakis oo ahaa Majaajiliiste si weyn dal iyo dibadba looga yaqaanay ayaa 27-kii bishii September ee sanadkii 2021 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Warkan ku aaddan in qabrigiisa dib loo soo faagay ayaa kordhiyay tuhunka ay dadka qaarkii ka muujinayaan in la boobayo dhulkii meetida.

Khabuuraha School Polizio ayaa ahaa mid muddo dheer ay qoysaska iyo ehelada ku aasaan kuwa ka geeriyoodo, waana markii ugu horreysay ay bulshada maqlaan in la burburinayo khabuurahaasi.

Khabuurahan ayaa waxaa ku aasan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan, oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, dhowr iyo labaatankii sano ee ugu dambeysay.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin warka ay dadku isla dhex marayaan, ee ah in ahlu khabuurkii ay ku nabadgeli la'yihiin iilkii lagu moosay.