Madaxweynaha Jubbaland oo hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimihii ugu dambeeyay ee deegaanada SSC, sida ay sheegtay Jubbaland.

"Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimahii ugu dambeeyay ee deegaanada SSC Khaatumo." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Caasimadda Muqdisho u jooga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, halka Hoggaamiyaha SSC Khaatumo uu safar shaqo ku joogo magaalada.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa Arbacadii Xarunta Madaxtooyada kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan oo ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin lagaga dhageystay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo.

Waa markii ugu horreysay uu Firdhiye Magaalada Muqdisho kaga qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo inta badan looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Firdhiye iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa kulankoodan ku wehlinayay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka.