Dr. Maxamed Sheekh Axmed oo kusoo baxay doorashada kursiga HOP 086 oo Maanta doorashadiisa lagu qabtay Muqdisho

Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 086 oo deegaan doorashadiisu u aheyd magaalada Baledweyne, hayeshee guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ay sheegeen in si ku meel gaar ah loogu wareejiyay Muqdisho.

Doorashada kursigaan ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo lagu kala magacaabo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed, waxaana doorashadaan kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed, kadib markii uu tanaaslay musharaxii kale ee la tartami lahaa.

Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa helay dhamaan codadka ergada oo ahaa 98 ruux oo ugu codeeyay si gacan taag ah mana jirin cid diiday ama ka aamustay codeyntiisa.

Kursigaan Maanta doorashadiisa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaa bishii Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay 2022 doorasho ka dhacday Baledweyne kuso baxay Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,  hayeeshee guddigii doorashooyinka heer Fedaraal ee xiligaas ayaa laalay natijada doorashadaasi.

Kursigaan HOP 086 ee Maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa Baarlamaankii 10-aad ee dalka ku fadhiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir.