Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Daaru Salaam ee dalkaasi Tanzania.

Booqashada Madaxweynaha ee dalkaasi ayaa ka dambeysay, ka dib markii uu martiqaad ka helay haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalkaasi, Samia Suluhu Hassan.

"Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada dal, taas oo ay ka mid tahay dalladda ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tanzania uu ka mid ahaa dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgeli doona sanad guurada 60aad ee midowga iyo qaranimada dalka Tanzania."

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ku wehlinaya safarkaasi ayaa sheegay in labada dowladood ay maalinta Sabtida ah kala saxiixan doonaan illaa saddex heshiis, oo ku saabsan Wasaaradaha Warbaahinta, Caddaaladda iyo Arrimaha Dibadda. Heshiisyadan ayuu sheegay in la soo marsiiyay Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in heshiiska ay kala saxiixanayaan Wasaaradaha Caddaaladda ee labada dal in looga shaqeynayo, sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa maxaabiis tiro badan oo Soomaali ah oo sida uu sheegay ku xiran dalkaasi.

"Maxaabiis Soomaali oo tiro badan baa halkan ku xiran, waxaana heshiis laga gaaraya in dalka la geeyo." Ayuu yiri Wasiir Fiqi oo warkan ku sheegay muuqaal uu caawa soo duubay.