Taliska Booliska oo beeniyay in la burburinayo Khabuuraha School Polizio ee Muqdisho

Taliska Booliska ayaa beeniyay inay amar ku bixiyeen in meydadka laga la baxo Khabuuraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab, sababo la xiriira in Dowladda Federaalka ay waddo qorshe lagu burburinayo khabuurahaasi.

Dadka ay eheladooda ku aasan yihiin khabuurahan ayaa maalmahaanba waday in meydadkooda ay kala baxaan khabuuraha, isla-markaana ay ku aasaan goobo kale. Tani ayaa timid, markii ay dadku ka war heleen war aan ka soo bixin dhanka dowladda oo sheegaya in uu socdo qorshe ay dowladdu ku burburineyso khabuurahaasi, qoysaskana ay tahay inay meydadka eheladooda kala baxaan khabuuraha.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo gelinkii dambe ee shir jaraa'id ku qabtay School Polizio ayaa sheegay inaanu jirin amar dadka loogu sheegayo in meydadka eheladooda ay kala baxaan khabuurahan. 

"Burburkii ka dib goobtan waxay noqotay meel dadka Soomaaliyeed ay ku aasaan dadka ka soo dhinta. Boqolkiiba toddobaatana (70%) waxaa aas loogu bilaabay Ciidamada Dowladihii KMG ahaa iyo kuwii Dowladdii Dhexe ee dalka soo marayba dagaaladii lagu la jiray kooxahan Khawaarijta ah noocyadooda kala duwanba kuwoodii ku soo shahiiday ayaa ku aasan goobtan." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan saakay maqalnay in la yiri khabuuraha ha laga la baxo meydadka, cid dhahdana ma leh. Meeshaan Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa awood ku leh oo waardiyeeya, sababta loogu wareejiyay darbigaasna waxay ka mid tahay sugidda ammaanka goobta, maadaama godka hoose ee goobta ay ciidanku ay dabrid ku sameeyaan, had iyo jeerna ay ku tababartaan, maadaama ay badatay dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ay dadka la beegsadaan in la kontoroolo goobta, lana waardiyeeyo."

Waxa uu sheegay in Talisyada Ciidamada Booliska iyo Xoogga Dalka aysan soo saarin awaamiir dadkii dhintay dib looga soo saarayo meelihii ay ku sugnaayeen.

"Taliska Ciidanka Booliska iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo afkooda aan ku hadlayo, labadaba ma jirto cid  tiri khabuurahan hala faago. Waa khalad arrimahaasi, mana dhicin." Ayuu yiri Afhayeenku.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xusay in dadku ay meydadka eheladooda kala bixi karaan halkaasi, si ay ugu aasaan goobaha ay doonayaan.

"Qofkii qof uga aasan yahay oo gartay inuu kala baxo meydkiisa xor ayuu u yahay, qof walbana ehelkiisa ayaa xukuma, hadday dantooda ayaga gaarka ah ay qabatay inay ka baxsadaan waalidiintooda, sida haddaba dhacday hadde waa loo fududeynaa, ciidankana gacan ayay ku siiyeen. Wuu baxsaday meeshii ku habboon uu asaga la rabay ayuu gaystay." Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Afhayeenka oo soo hadalqaaday meydka marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo maanta laga saaray khabuurahaasi ayaa sheegay in arrintaasi ay ku timid, ka dib markii qoyska marxuumka ay codsadeen in meydkiisa ay ka saaraan goobta, isla-markaana ay go'aansadeen in goob kale ay ku aastaan.

Afhayeenka ayaa ku celiyay "Ma jiro amar ah in laga la baxo goobtan meydadka lagu aasay ee muddada ku aasan, mana jirto meel Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu arrintaasi ku soo saaray."

Waxa uu intaasi ku daray "Waxaan u sheegaynaa bulshada Soomaaliyeed ee dadka uga aasan yahay goobtan. walaal xor ayaa u tahay, haddii qof uu kaaga aasan yahay aad meel ka habboon u haysato, cid kugu haysato ma leh. Haddii la wada bixinaayana waa siyaasad guud oo dowladda u degsan, hadday rabto ayadaa idinku soo wargelin doonto, laakiin wararka ku tiri kuteynta ee waxaa la yiri hala baxsado meydadka, cid dhahday ma jirto, cid dhihi doontaana ma jirto."