Gaadiidka ganacsiga ee soo mara dhulka Shabaabka oo laga mamnuucay Gobolka Hiiraan

Saraakiisha Ciidanka Difaaca (Macawiisley) ee Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray awaamiir ay gaadiidka ganacsiga uga mamnuucayaan gobolkaasi, gaar ahaan kuwooda soo mara dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gaadiid kastoo ganacsi oo ka yimid goobaha ay Shabaabku ka joogaan Gobolka Shabellaha Dhexe aanay iman karin gobolkaasi.

Bacow Maxamed Dhicisow oo ka mid ah Saraakiisha Macawiisleyda ayaa awaamiirtooda la wadaagay Warbaahinta, waxaana uu sheegay in gaadiidka xamuulka iyo kuwa yaryar ee rakaabka qaada aysan soo dhex mari karin Gobolka Hiiraan.

"Gobolka Hiiraan waxaa ka soo baxay in gebi ahaanba aysan soo mari karin waddooyinka ka soo gala dhanka Gobolka Shabellaha Dhexe wax gaari ah ama gaadiid ah oo safar ah oo soo dhex maray kooxda argagixisada ee Al Shabaab." Ayuu yiri Bacow Maxamed Dhicisow.

Waxa kaloo uu yiri "Ma jiri doonaan gebi ahaanba, haddii ay ahaan lahayd gaadiidka waaweyn ee xamuulka ama kuwa yaryar ee Layla Calaawi ama Baraadooyinka loo yaqaano gebi ahaanba waa la mamnuucay. Gaari rakaab oo safar ah oo Shabaab soo dhex maray in uu dhex maro Gobolka Hiiraan iyo Macawiisleydeeda waa la mamnuucay."

Dhicisow ayaa sheegaya in sababta gaadiidka loo mamnuucay ay tahay in Shabaabku ay ku soo dhex qarinayaan qaraxyo iyo ciidamo ay isaga kala gudbinayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

"Sidaasi daraadeed safarku waa uu xiran yahay, dhulku dagaal ayuu ku jiraa, dalka iyo dadkana dagaal ayay ku jiraan. Safar nabad ah oo dhulkan nabad ku mari kara ma jiro. Waa la wada shakisan yahay, ha raali ahaadaan gaadiidleyda iyo safareyda." Ayuu yiri Dhicisow.

Shabaabka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanadii laga saaray laba sano horteed ee bariga Dowlad Goboleedka Hirshabelle.