Galmudug oo awaamiir ku soo rogtay Degmada Xarardheere

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ku soo rogtay awaamiir la doonayo in amniga degmadaasi lagu sugo.

Awaamirtan ayaa saameynaysa dadka ka soo laabanaya deegaanada ay maamulaan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo la faray in ay iska diiwaangeliyaan Saldhigga Booliska, si dib u soo laabashadooda looga warqabo.

Awaamiirtan ayaa sidoo kale lagu xakameynaya dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka imaanaya magaalada, si looga hortaggo suurtagalnimada weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ku soo qaadi karaan magaalo xeebaadkaasi, bacdamaa ay muddo dheer ka arriminayeen.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sameysay number gaar ah oo laamaha amniga laga la soo xiriiri karo, si dadku ugu soo wargeliyaan cid kastoo ay u arkaan inay amniga caqabad ku tahay.

Xarardheere waxaa horey uga dhaqangalay bandow xilliga habeenkii ah, oo lagu soo rogay bartamihii bishii hore ee February. 

Xuseen Cabdulle Xasan, Wasiirkii hore ee Dhallinyarada & Ciyaaraha Galmudug, haatana ka mid ah masuuliyiinta ku sugan degmadaasi ayaa Sabtidan sheegay in awaamiirta looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo nabadgelyada magaalada.

Xuseen Cabdulle ayaa tilmaamay inay doonayaan in ay is dhexgal sameeyaan dadka deegaanka iyo ciidamada amniga, iyadoo yoolkuna yahay in magaaladu noqoto mid ammaan ah.

"Awaamiirtaa waxaa ay ahayd uun wax marka koowaad lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa iyo wax kastoo amni darro keeni kara, muhiimadda looga gol lahaana waxay ahayd in dadkuna nabad helaan, ciidanka jooga iyo dadkuna inay is dhexgal sameeyaan." Ayuu yiri Xuseen Cabdulle.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa 16-kii bishii January la wareegay degmadaasi, oo ahayd middii ugu dambeysay ee ay Shabaabku ka haysteen Gobolka Mudug.

Shabaabka ayaa Xarardheere ka arriminayay, tan iyo sanadkii 2010, iyadoona ay degmadaasi ka heli jireen dhaqaalaha ugu badan ee koonfurta gobolkaasi.