Ganacsade Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Allaha u naxariistee Malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Boosaaso, sidoo kalena ka tirsanaa waxgaradka deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa saakay lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay weerareen, wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay Masjidka Basiir oo Salaaddii Subax uu ku soo tukaday. 

Masjidkan ayaa ku yaala xaafadda Biyo Kulule, gaar ahaan agagaarka Ex Shirkaddii Isgaarsiinta ee Netco.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggaasi ay waddada u galeen marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ragga dilka gaystay ay isaga baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya inaanay jirin cid illaa iyo hadda loo soo qabtay dilka ninkaasi loogu gaystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin falkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay magaalada, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, marka laga soo taggo in lala xiriirinayo kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi ayaa muddo dheer deganaa Magaalada Boosaaso, isagoona ka mid ahaa ganacsatada reer Koonfur Galbeed ee sida weyn looga yaqaano magaaladaasi.

Salaaddii Jimcaha ka dib ee 1-dii bishan ayay ahayd, markii nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Khadar Cabdi Cali lagu dilay halka lagu magacaabo Jiiro Garoob ee xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladaasi.

Khadar Cabdi ayaa ahaa Gudoomiyihii Dhallinyarada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso.