General Firin oo isugu yeeray Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta la kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Kulanka ayaa looga hadlay sugidda & adkeynta amniga Caasimadda Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla gorfeeyeen qorshaha Taliska Booliska Soomaaliyeed uga yaala xaqiijinta amniga magaalada, bacdamaa ay foodda inagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadan.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Taliska Booliska uu diyaariyay istiraatiijiyad amni, oo ay tahay in ciidamada amnigu uga hawlgalaan magaalada, iyadoo markaasi la xoojinayo amniga magaalada, ciidamaduna ay xil iska saarayaan fududeynta isu socodka dadka & gaadiidka ee magaalada, mashquulka iyo ciriirigana ay ka ilaalinayaan wadooyinka, iyagoo ka feejigan weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa looga bartay in bisha Ramadan ay kordhiyaan weeraradooda, waana bisha Soon-qaad oo ay laba laabaan dilalka qorsheysan.

Bishan oo ah bil ay dadka oo dhami sooman yihiin ayaa waxaa haddana walaac ku haya dilalka ay gaysanayaan maleeshiyadaasi abaabulan.