Goobaha Waxbarashada Muqdisho oo loo xiray macalinkii la dilay

Goobaha Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho ayaa loo xiray dilkii uu wiil arday ahaa Isniintii u gaystay macalinkiisii.

Xasan Maxamed Maxamuud (Caddaani) ayaa lagu eedeeyay in uu toorey la dhacay Macalin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, ka dib muran ka dhashay macalinka oo la sheegay in uu buug ku dhuftay gabar ay walaalo yihiin Caddaani, oo ka mid ah ardayda dhameysatay iskuulkaasi oo ku yaala Degmada Wadajir.

Caddaani ayaa la sheegay in dhacdada ka dib uu goobta ka baxsaday, iyadoo Taliska Booliskana ay sheegeen in lagu daba joogo.

Bahda Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay si ku-meel-gaar ah u xirayaan iskuulada.

Midowga Dugsiyada Gobalka Banaadir ayaa sheegay in iyagoo ka dhiidhinaya dilka macalinkaasi ay muddo saddex maalmood hakin doonaan duruustii ay bixinayeen.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in iskuulada magaalada la xiray maanta, si laamaha amniga culeys loogu saaro inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha, dhibanahana uu caddaalad u helo.

Ururada Waxbarashada iyo Midowga Macalimiinta ayaa magaalada ku leh kulamo ay ku dalbanayaan caddaalad, looguna duceynayo marxuumka.

Macalimiinta ayaa sheegaya in haddii ay dilkan ka aamusaan uu horseedi doono in macalimiinta kalena la dilo.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Khamiistii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan ku daba joogin eedeysanaha oo keliya, balse ay xitaa ku raad joogaan dad kale oo xubnaha qoyska ah oo dilka ku gacan siiyay.

Dilkan ayaa imaanaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay magaalada ku soo badanayeen dilalka naxdinta leh ee ay isu gaysanayaan qoysaska dhexdooda.