Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo waqtiga u kordhiyay Guddiga Gaarka ee Dastuurka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa muddada u kordhiyay Guddiga Gaarka ah ee ka soo talabixinta soo jeedinta, wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah.

Guddigan oo 10 xubnood ka kooban ayaa waxaa horey u magacawday Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa la faray inay Guddoonka Golaha Shacabka u soo gudbiyaan warbixintooda, si loogu soo daro ajandayaasha kulanka guud ee Golaha Shacabka.

"Sida ku cad qodobka 37aad, farqadda 5aad ee Xeerka Hoosaadka Golaha Shacabka, muddo xileedka Guddiga waxa uu ku egyahay ka dib, markuu keeno warbixintiisa ugu dambeysa." Ayuu Gudoomiye Aadan madoobe ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.