Gudoomiye Jeyte oo iclaamiyay dagaal lagu soo afjarayo Shabaabka Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo Sabtidii dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne ayaa baaq u diray dadka reer Hiiraan, dal iyo dibadba, si ay ugu diyaargaroobaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii ay mustaqbal wanaagsan ugu hoggaamin lahaayeen dadkooda.

Gudoomiyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa marka hore dadka reer Hiiraan ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal, uu sheegay in gobolka looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay doonayaan in maleeshiyadaasi laga ciribtiro deegaanada ay haatan kaga harsan yihiin gobolkaasi.

"Dadka reer Hiiraan waxaan rabaa laba arrimood oo midiba marxalad tahay inaan maanta u caddeeyo. Marka hore inay u diyaargaroobaan dagaal, dhameystirka Al Shabaab in loo diyaargaroobo. Dagaal sidiisaba hadduu bilowdo waa kala adkaansho, meel dhexe oo la istaago yaa garanaya? Shabaab waan dagaalanay waa inaan kala adkaanaa, rajo dambe lagama qabo inaan meel dhexe istaagno." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa meesha ka saaray inaanan bishan Ramadan la dagaalami karin, isagoona sheegay in uu dagaalkani u arko mid cibaado ah.

"Waxaad ogaataan waa Ramadan oo lama shaqayn karo inaysan jirin, Ramadanka waa lagu shaqeeyaa. Anigu waxaan aaminsanahay dagaalka aan ku jirno cibaado inuu yahay, xaqiiqdii inuu cibaado yahay ayaan aaminsanahay. Haddii shalay wax iga soo halaabeen maanta Ilaahay inuu iigu dembi dhaafayo ayaan aaminsanahay, xaqiiqada marka laga hadlo." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa ku daray "Shabaab waan ka adkaanay, waana dhameystiraynaa, in lagu dhiiradaa rabaa."

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dadka reer Hiiraan ugu baaqay, ka dib dagaalka Shabaab in ay 20-ka bisha June illaa 1-da bisha July isugu yimaadaan Magaalada Beledweyne, si buu yiri aan uga tashano aayaheenna.

"Waxaa intaa dheer dadka reer Hiiraan hadday dalka joogaan iyo hadday dibadda jiraan, bacdul Shabaab haddii Alle idmo 20-ka bisha June illaa 1-da bisha July, inta ka dhaxeysa inay Magaalada Beledweyne isugu yimaadaan ayaan rabnaa, si aan uga tashano aayaheenna." Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Gudoomiye Jeyte ayaa intaasi raaciyay "Annaga inay waxeena dayacmaan ma rabno, dagaalaa galnay, Shaydaanka waan iska farjinay, qaybuu ku jiraa oo Hiiraan ka mid ah, ayadana haddaan wajahaynaa, haddii Alle idmo. Markaan wajahno ma gacmo deysanaynaa, xaafadaha miyaan kala aadaynaa? Meeshii uu nooga dheelin jiray waan naqaanaa soo maaha, inuusan nooga dheelinaa u baahanahay. Waa inaan caqligeena, garashadeena, aqoonteena iyo ahlu cilmi waxaan leenahay inaan inta isku keeno, wiilka dhintay, kan dhaawacmay iyo waqtigaan bixinay kuwa nooli waxay ka macaashaan in la helo waaye, wixii laga soo shaqayn jiray, wax ka duwan inaan ka shaqayno waaye."

Hadalka Jeyte ayaa imaanaya, xilli Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay wadaan abaabul loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.