Guterres oo dadaal ugu jira, sidii ay u sii shaqayn lahayd Hay'adda UNRWA

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u sii shaqayn lahayd Hay'adda UNRWA, taas oo ay dhaqaalaha ka jarteen dowladaha reer galbeedka.

Hay'addan ayaa ah tan Qaramada Midoobey u qaabilsan dadka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan kuwa Gaza. 

Tallaabada dhaqaalaha looga jaray ayaa timid, ka dib markii Israel ay 12 ka mid ah shaqaalaha hay'addaasi ku eedeysay inay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay maamusho.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la kulmay wakiilo ka socda in ka badan 30 dowladood oo deeq-bixiyeyaal ah, isagoo dalalkii joojiyay deeqaha ka codsaday inay dib u eegaan.

Xoghayaha ayaa sheegay in sharciga lagu qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata weerarkaasi, balse ay tahay inaanan xilligan adag hay'adda laga jarin taageerada ay u baahan tahay, si ay adeegyadeeda u sii bixiso.

Waxa uu sheegay in taageerada maaliyadeed ee deeq-bixiyeyaasha ay halbowle u tahay howlaha samafalka ee ay hay'addu u hayso Falastiiniyiinta.

Xoghaye Guterres ayaa gadaal ka riixaya in la sii wado taageerada naf badbaadinta ah, inta ay socoto hannaanka lagu sheegay isla xisaabtanka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Mareykanka ku cadaadinaya in wax ka bedel lagu sameeyo shaqada hay'adda, ka hor inta aan la fasixin dhaqaalaha la siiyo.

Guterres ayaase dadaal badani ku bixinaya inaanay istaagin howlaha hay'adda oo ku eg bisha February, haddii dalalka deeq-bixiyeyaasha aysan dib u bilaabin tabarucaadkooda.

UNRWA ayaa door muhiim ah ku leh gargaarka bani'aadantinimo ee haatan la siinayo dadka reer Gaza, oo wajahaya waqtigii ugu adkaa, inta ay taariikhda xuseyso.

Dadka reer Gaza oo tiradooda lagu sheego 2.3 milyan oo qof ayaa dhibane u ah duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ee gaysanaya dhimashada faraha badan. Waxaa intaasi u dheer hoy la'aan, gaajo daran, biyo iyo dawo yari, waana xilli Israel ay hortaagan tahay in gargaar macno leh la geliyo Gaza.

Haddii aan si dhakhsi ah UNRWA dib loogu ogolaan lacagihii lagu maalgelinayay, waxay noqon doontaa ciqaab kale oo ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta, sida ay sheegayaan Saraakiisha Qaramada Midoobey.

NGO-yada waaweyn ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ku saabsan in lacagaha nafaha lagu badbaadiyo ay sii socdaan.

Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa mar sii horreysay sheegay in hay’addu ay maamusho hoyga in ka badan 1 milyan oo qof.

Shaqaalaha hay'adda ee ka hawlgala Gaza ayaa lagu qiyaasaa 13,000 oo qof, kuwaa oo maamula dugsiyo iyo hoy, waxayna bixiyaaan adeeg isugu jira gargaar bani’aadantinimo, waxbarasho iyo daryeel guud.