Horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib weerar xagga cirka ah oo laga fuliyay gobolkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu beegsaday xarun maxkamadeed oo Shabaabku ku lahaayeen tuulada Ugunji oo hoostagta deegaanka Janaale.

Hawlgalka ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalka lagu dilay ay ka mid yihiin nin magaciisa lagu sheegay Osama, oo Shabaabka u qaabilsanaa tuulada Ugunji, kuxigeenkiisii oo magaciisa lagu soo gaabiyay Yaxye iyo nin kale oo isna magaciisa lagu sheegay Cadnaan oo Shabaabka u qaabilsanaa diiwaangelinta dadka shacabka ah ee la doonayo in laga qaado lacagaha baadda ah.

Arbacadii ayay ahayd, markii Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad ay hawlgal gaar ah ka sameeyeen inta u dhaxeyso deegaanada Gendershe iyo Arbacow ee gobolkaasi, oo sida la sheegay khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al Shabaab.