Iran oo Midowga Yurub u sheegtay in xasuuqa Israel ee Gaza ay ka dhalan doonto jawaab celin

Dowladda Iran ayaa Midowga Yurub ku wargelisay in dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ay ka dhalan doonto jawaab celin gobolka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ka digay isku dhacyo qoto dheer oo gobolka ah, haddii Israel ay joojin weydo dembiyada dagaal ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.

"Haddii dembiyada dagaal ee Maamulka Israel ka gaysanayo Gaza iyo Daanta Galbeed aan la joojin, baaxadda dagaalka gobolka waxay u badan tahay inuu sii qoto dheeraado oo ballaarto." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha Israel ee ay shacabka Falastiiniyiinta uga barakacineyso dhulkooda, taas oo sida uu sheegay qayb ka ah dhaqamada Israel.

"Waa in si degdeg ah loo joojiyaa weerarada Militariga Israel ee Gaza, inta aysan xaaladdu meel adag gaarin." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran.

Dowladda Iran ayaa si joogto ahi u dhalleeceysa weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ka wadaan labada daamood ee Marinka Gaza.

Ururka Xisbullah ee Iran ay taageerto ayaa weeraro ka gaysanaya goobaha ay Ciidamada Israel kaga sugan yihiin xuduudda Lubnaan la wadaagto waqooyiga Israel.

Ururka Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa dhankooda ku hanjabay in ay dib u bilaabi doonaan weerarada ka dhanka ah Israel. Xuuthiyiinta oo Iran ay taageerto ayaa maraakiibta laga leeyahay Israel ku khasbay inaanay adeegsan marin biyoodka Badda Cas, ka dib markii bartamihii bishii November ay qabsadeen markab uu leeyahay ganacsade reer Israel ah.

Kooxaha kale ee Iran ay taageerto ayaa laga cabsi qabaa in ay kordhiyaan weeraradooda ka dhanka ah Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.