Israel oo ballaarisay weeraradeeda Gaza, xilli wada hadalada xabad joojinta ay socdaan

Ciidamada Israel ayaa waxay u muuqdaan kuwo kordhiyay weerarada ay ka wadaan Marinka Gaza, xilli ay wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ay ka socdaan dalkaasi Qatar.

Hay'adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa ku warantay in diyaaradaha dagaalka Israel ay si isku mid ah u garaacayaan koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Hay'adda ayaa xaqiijisay inay kordheen duqaymaha loo gaysanayo dhismayaasha ay dadka shacabka ahi gabaadsanayaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Khamiistan diiwaangelisay dhimashada 70 qof oo shacab ah, oo lagu dilay sida ay sheegtay goobo kala duwan oo Gaza ah.

"104 kale ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dhaawacay guud ahaanba Marinka Gaza." Ayay wasaaraddu ku sheegtay warbixinteeda maalinlaha ah.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday in ka badan 46 kun oo qof ayaa lagu dilay Gaza, halka 109,378 kalena ay Ciidamada Israel ku dhaawaceen.

Dhanka kale Magaalada Doha ayaa waxaa ka socda dadaalo lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas, oo lagu doonayo in xabad joojin lagaga sameeyo Gaza, laguna sii daayo maxaabiista labada dhinac.

Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa dhinacyada ku cadaadinaya in ay dhameystiraan heshiiska ay tahay in xabad joojinta lagu gaaro.

Saraakiisha saddexda dal ayaa laga soo xiganaya in ay jiraan ifafaalo muujinaya in markan  ay labada dhinac heshiis gaari karaan, inkastoo sida ay sheegeen ay harsan yihiin qodobo uu is mari-waa ka taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay in loo baahan yahay in dhinacyadu ay ka gudbaan caqabadaha jira.

Wasiir Blinken ayaa sheegay in uu rajeynayo in heshiis la gaaro, ka hor inta aanu xafiiska wareejin Madaxweyne Joe Biden.

Muddo xileedka Madaxweyne Biden ayaa ku eg 20-ka bishan, markaas oo awoodda dalka uu la wareegi doono Donald Trump.

Trump ayaa horey dhinacyada uga dalbaday inay soo afjaraan colaadda Gaza, ka hor inta aanu xukunka la wareegin.

Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ayaa dhowr jeer oo hore midba midka kale ku eedeeyay in uu wiiqayo dadaalada caalamiga ah ee la rabo in lagu gaaro xabad joojinta, maxaabiistana la isku dhaafsado.