Israel oo bambaanooyinka culus u adeegsatay Magaalada Jenin
Iyadoo Ciidamada Israel ay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa waxay kordhiyeen duqaymaha ay ku garaacayaan dhismayaasha magaaladaasi.
Ciidamada Israel ayaa gelinkii dambe ee Axaddii si saf mareen ah u beegsaday guryo badan oo ku yaala magaalada go'doonsan ee Jenin.
Ciidamada Israel ayaa 21-kii bishii January bilaabay hawlgal uu taliskoodu ugu magac-daray (Hawlgalka Darbiga Birta), kaas oo ay sheegeen in ay kula dagaalamayaan kooxaha hubeysan ee ku sugan xerada qaxootiga Jenin.
Muuqaalada goobta ay qaraxyadu ruxeen ayaa muujinaya in qaraxyadu ay isku mar qarxeen iyo qiiq isku shareeray cirka, oo uuradiisuna ay dabooshay xerada qaxootiga.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa qaraxyada ka dib soo bandhigtay muuqaalo muujinaya burbur baaxad leh oo dhulkaasi ka dhacay, guryihii oo isu bedelay dambas iyo baabuur gubaneysa.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa waxay xalay sheegtay in Ciidamada Israel ay burburiyeen guryo badan, saacado uun ka dib, markii ay halkaasi ku dileen nin 73 jir ahaa.
Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ee ka dhashay qaraxyada, balse masuuliyiinta ayaa uruurinaya xogta khasaaraha.
Militariga Israel ayaa sheegay in Axaddii la burburiyay 23 dhisme, oo sida ay sheegeen ahaa kaabeyaasha kooxaha argagixisada.
Militariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen 50 dagaal-yahano oo Falastiiniyiin ah, tan iyo markii uu bilowday hawlgalkan.
Weerarkii shalay galab ayay Israel ku beegsatay dhismayaasha ku yaala xaafadda isku raranka ah ee Ad-Damj ee xerada Jenin.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo aad u xoogan, oo laga maqlay magaalada iyo deegaanada ku xeeran oo dhan.
Israel ayaa burburintan u adeegsatay bambaanooyinka waaweyn ee ka mamnuuca ah in loo isticmaalo dhulka cufan ee aadka loo degan yahay.
Hay'adda Bisha Cas ayaa sheegtay in ay daadgureynayso dadka rayidka ah ee halkaasi ku go'doonsan, isla-markaana ay siineyso daryeel caafimaad, kuwooda u baahan.
Qaraxyada xiriirka ah ee ka dhacay Jenin ayaa daba socdo duqayn ay Israel Sabtidii ku dishay shan qof oo ku sugnaa aagga Jenin, isla-markaana uu ku jiro ilmo yar, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa cambaareysay burburinta ay Ciidamada Israel ku hayaan dhismayaasha, iyadoona falkaasi ku tilmaamtay mid naxariis darro ah.
Dhacdadii Axadda ayaa muujineysa kororka weerarada Israel iyo in ay Jenin ku waddo, sida Marinka Gaza oo kale.
"Ciidamada Israel waxay dagaalkooda ka soo wareejiyeen Marinka Gaza, waxayna u soo weeciyeen Daanta Galbeed. Waxa ka dhacaya xerada Jenin waxay la mid yihiin xasuuqii Israel ka gaysatay Gaza." Ayuu yiri Barasaabka Jenin, Kamal Abu Al Rub.
Henna Al Haj Hassan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxay sheegtay in duqayntu ay ahayd mid argagax badan.
Ahmed Tobasi oo isna ka mid ah dadka reer Jenin ayaa sheegay in guryaha la beegsaday ay gebi ahaanba burbureen.
"Ciidamada Israel uma baahna cudurdaar si ay u burburiyaan guryaheenna, isla-markaana ay noo barakaciyaan. Waxaan waa qorshe duug ah oo horey ay u sameeyeen Ciidamada Israel, sababtoo ah waxay rabaan inay na dilaan, qaddiyadda Falastiina ay ka dhigaan mid aan shaqeynayn." Ayuu yiri Ahmed Tobasi.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa Israel ku dhalleeceeyay in weeraradeeda aan xakameysneyn ay yihiin kuwo ka dhan ah kaabeyaasha Falastiin.
Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Jenin, Wisam Baker ayaa xaqiijiyay in qayb ka mid ah isbitaalkaasi ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaasi.
Burburinta ayaa imaneysa, iyadoo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu u ambabaxay dalka Mareykanka. Netanyahu ayaa Talaadada Aqalka Cad kulan kula leh Madaxweyne Donald Trump.