Israel oo duulaankeeda culeyska ku saareysa koonfurta Gaza

Ciidanka Difaaca Israel ayaa maalintii 3aad duqaymo baahsan ka wada Marinka Gaza, iyadoo lagu eedeeyay in si aan kala sooc lahayn ay u bartilmaameedsanayaan goobaha rayidka.

Ciidamada Israel ayaa la sheegaya in markan ay si weyn u bartilmaameedsanayaan xaafadaha koonfurta Gaza, si ka duwan wejigii hore ee hawlgalka.

Taliska Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah ugu yeeray in ay isaga baxaan koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis oo 2km u jirta Xeebaha Badda Dhexe (Mediterranean-ka). Khan Yunis waxaa ku taala xero qaxooti, oo dadka Falastiiniyiinta ay degan yihiin.

Wasaaradda Difaaca Israel ayaa sheegtay in saddex xubnood oo uu ka mid yahay Yahya Sinwar, Gudoomiyaha Marinka Gaza ay ku dhuumaaleysanayaan Khan Yunis, sidaasi daraadeedna ay tahay in dadku ay isaga baxaan halkaasi, iyagoo oo u sheegay in ay u guuraan dhanka xadka ee Rafah ama deegaan xeebeedka koonfur galbeed.

Koonfurta Gaza ayaa waxaa hadda ku nool ku dhawaad 2 milyan oo qof, kuwaa oo u badan dadkii billihii October iyo November lagu khasbay in ay ka barakacaan waqooyiga Gaza, isla-markaana ay taggaan dhanka koonfureed ee magaalada.

Kormeereyaasha Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dagaalka ka hor ay deegaanadaasi ku noollaayeen ku dhawaad 800,000 oo qof.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel oo duulaankooda u weeciyay dhanka Khan Yunis ay ka gaysanayaan duqaymo isugu jira cir, dhul iyo badba.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24 saac oo keliya ay Ciidamada Israel in ka badan 700 oo qof oo rayid ah ay ku dileen magaalada. Wasaaradda ayaa Israel ku eedeysay in ciidamadeeda ay si aan kala sooc lahayn u beegsanayaan goobaha rayidka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in la ballaarin doono hawlgalka dhulka ee Gaza, isla-markaana ay ciidamadiisu gaari doonaan dhinaca koonfureed ee magaalada.

"Waan sii wadi doonnaa dagaalka illaa aan ka gaarno yoolkiisa oo dhan, suurtagalna maaha in la gaaro hadafkaasi la'aanteed hawlgal dhulka ah." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Taliska Militariga Israel ayaa mar kale soo saaray amaro ay dadka ugu sheegayaan in ay banneeyaan gudaha iyo hareeraha Khan Yunis, iyaga oo uga digay dadka degan ugu yaraan shan aag iyo xaafado kale inay ka baxaan, haddii kalena ay la kulmi doonaan cawaaqib daran.

"Khan Yunis waa aag dagaal oo khatar ah." Ayaa lagu yiri waraaqo lagu daadiyay jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Maamulka Falastiiniyiinta iyo Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ayaa Tel Aviv ku eedeeyay in ay waddo qorshe ay dadka rayidka ah uga barakacineyso koonfurta Gaza, si la mid ah tii ay ka sameysay waqooyiga, iyada oo adeegsaneysa duqaymo baahsan, si ay dadka rayidka ah ugu riixdo dhanka xadka ee Masar.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaysan amni ahayn labada daamood ee Gaza.