Israel oo ku hanjabtay inay jawaab ka bixineyso weerarkii Iran

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkii drones-ka iyo gantaalaha ee ay Iran ku qaadday Israel.

Iran oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay 1-dii bishan ku qaadday Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq ayaa habeenkii Sabtida weerar aan horey noociisa loo arag ugu qaadday gudaha Israel.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa wacad ku maray in Tel Aviv ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii Tehran.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Tehran ay la kulmi doonto cawaaqibka weerarkeedii ay ku soo qaadday dhulka Israel.

"Weerarkan loo adeegsaday gantaalaha aadka u badan ee cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu soo qaaday dhulka Israel, ma noqon doonaan kuwo bilaa jawaab ah." Ayuu yiri jananka ugu sarreya Ciidamada israel oo gelinkii dambe ee Isniintii ka hadlayay Saldhigga Ciidamada Cirka ee Nevatim ee koonfurta Israel, kaas oo uu burbur ka soo gaaray weerarkii Iran.

General Herzi Halevi ayaan sheegin goorta ay qaadi doonaan weerarkaasi iyo nooca ay jawaabtoodu noqon doonto.

Hadalkiisa ayaa imaanaya, xilli Iran ay Israel uga digtay khalad kale, haddii kalena ay la kulmi doonto weerar ka xoogan midkii ay dhawaan ku qaadday.

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel ayaa mar sii horreysay ugu yeeray inaanay qaadin tallaabo ay kaga falcelineyso weerarkii Iran, iyadoo laga fogaanayo in xaaladda gobolka ay faraha ka baxdo.

Weerar kasta oo Israel ay ku qaaddo gudaha Iran iyo danaheeda gobolka ayaa laga cabsi qabaa inay gobolka ku riixdo qulqulatooyin uga sii dara xiisadda Bariga Dhexe.