Israel oo si saf mareen ah u garaacday koonfurta Lubnaan

Ciidanka Cirka Israel ayaa Talaadadii si saf mareen ah u garaacay bartilmaameedyo ku yaala koonfurta dalka Lubnaan, kana dhan ah Xoogaga Ururka Xisbullah.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in meelaha la garaacay ay ka mid tahay deegaanka Adloun, oo u dhaxeeya magaalooyinka xeebta dhaca ee Sidon iyo Tyre, oo qiyaastii 40km u jira waqooyiga Israel.

Sidoo kale diyaarad dagaal ayaa gantaal ku dhufatay gaari marayay duleedka Adloun, kaas oo loo maleynayo in uu la socday sarkaal ka tirsan Xisbullah.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in ugu yaraan ay laba qof ku dhinteen, lix kalena ay ku dhaawacmeen, markii diyaaradaha Israel ay beegsadeen guri ay dad rayid ah deganaayeen oo ku yaala Magaalada Hanin (Hanine) ee koonfurta dalkaasi. 

Wakaaladda Wararka NNA ayaa ku warantay in dhammaanba dhibaneyaasha ay yihiin dad isku qoys ah.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay garaaceen 25 goobood oo ku yaala koonfurta Lubnaan, oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan iyo goobo kale oo gantaalada laga soo tuuro.

Taliska ayaa sheegay in hawlgaladooda ay ku dileen laba ka mid ah Saraakiisha Xisbullah, balse Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida Hussein Azkoul oo keliya.

Xisbullah ayaa ku hanjabtay in Israel ay wajihi doonto jawaab adag oo ka dhan ah duqayntan ay ka gaysatay koonfurta dalkaasi. 

Waa duqayntii ugu badneyd ee maalin qura ay Israel ka gaysato gudaha Lubnaan, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Xisbullah iyo Israel ayaa billahanba duqaymo isku weydaarsanayay deegaanada dhaca xadka Israel iyo Lubnaan.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi gantaalo isku weydaarsanayay xuduudda.

Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa ku hanjabay inaanay joojin doonin weeraradooda waqooyiga Israel, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza.