Jan Egeland: Duulaanka Israel wuxuu dhaawac u gaystay carruurta Gaza oo dhan

Dunida ayaa sii waddo inay muujiso, sida ay uga xun tahay is hortaagga uu Mareykanka ku sameeyay qaraarkii ay ka doodeen Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee dalbanayay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Marinka Gaza iyo in dadka rayidka ah la gaarsiiyo gargaar ku filan.

Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Jan Egeland ayaa sheegay in duulaanka ay Israel ku hayso Gaza uu dhaawac u gaystay inta badan carruurta Gaza.

Xoghayaha ayaa sheegay in duulaanka ka hor ay xaaladda carruurta Gaza ahayd mid wanaagsan, balse maanta uu nugleeyay duulaanka lagu hayo.

"Weerarada aan loo meel dayin ee Israel, wuxuu dhaawacay ku dhawaad ​​dhammaan carruurta Gaza oo dhan." Ayuu yiri Jan Egeland.

Jan Egeland ayaa xusay in weerarada ka sii socda dhulka la go'doomiyay ay halis ku yihiin nolosha dadka maatida ah. 

Sida ku cad xogta Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee khasaaraha dadka rayidka ah, inta badan dadka lagu dilay Gaza ayaa ah carruur iyo haween.

Dhanka kale Safiirka Norway ee Qaramada Midoobey, Merete Fjeld Brattested ayaa sheegtay inay ka xun tahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu awoodi waayay inuu meelmariyo qaraaarka ku saabsan xabad joojinta colaadda Gaza.

Merete Fjeld ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la soo afjaro weerarada argagaxa leh ee ka socda Marinka Gaza.

"Waa lagama maarmaan in la soo afjaro argagaxa Gaza." Ayay tiri Merete Fjeld.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide ayaa dhankiisa Golaha Ammaanka ku dhaliilay, sida ay ugu fashilmeen xal u helidda colaadda Gaza.

"Waxaan u baahanahay xabad joojin, hadda. Waxaan u baahanahay waxqabad bani'aadantinimo oo la xoojiyay, hadda, waxaana u baahanahay waddo la aamini karo oo loo maro xal laba dowladood ah." Ayuu yiri Wasiirku.

Dowladda Algeria oo xubin ka ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa soo diyaarisay qaraarka qabyada ah, oo Qaramada Midoobey ay ku codsatay in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Gaza.

Codeynta oo ahayd mid ay codeynayeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u dhacday 13 taageeray qaraarka iyo Mareykanka oo diiday, halka Ingiriisku uu ka aamusay, tani oo ka turjumeysa sida caalamka uu u doonayo in la joojiyo dhiigga ay Israel daadineyso.

Adeegsiga Mareykanka ee codka diidmada qaxayan ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa aqlabiyadda, maadaama Mareykanku uu ka mid yahay 5-ta dal ee leh diidmada qayaxan 

Ruushka ayaa Mareykanka ku dhalleeceeyay in diidmadiisa ay bog kale oo madow ku tahay taariikhda Golaha Ammaanka.

Inta badan dowladaha dunida ayaa cambaareeyay in Mareykanka uu Veto isku hortaago soo afjaridda weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Gaza, waana markii 3aad ee Veto uu isticmaalo, tan iyo intii ay colaaddan dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.