Jubbaland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Raaskambooni

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay in ciidamadeeda ay gacanta ku soo dhigeen Taliyihii Ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Telefishinka afka Maamulka Jubbaland ku hadla ayaa soo bandhigay sawirka Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi), kaas oo kursi ku fadhiya, gaari ciidana uu ka dambeeyo. Ma cadda in sawirku uu yahay mid hore iyo in maanta la qaaday.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga wararka ee telefishinka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada deegaanka ay gacanta ku soo dhigeen Taliye Xasan Ciraaqi.

"Ciidamada amniga Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada guud ee deegaanka Raaskambooni ayaa gacanta ku soo dhigay horjooge Xasan Ciraaqi, kaasi oo subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday goobihii ay dagaaladu ka socdeen. Xasan Ciraaqi oo ahaa hoggaamiyaha ciidamadii laga keenay Xamar ayaa ciidankiisa ka cararay shalay subax abaare 11:30 barqanimo, markii uu dagaalku bilowday." Ayaa lagu yiri warka tv-ga.

Xasan Ciraaqi ayaa hoggaaminayay ciidamadii ay Dowladda Federaalka 25-kii bishii November gaysay deegaanka Raaskambooni, oo qiyaastii 275km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamadan ay u gaysay Jubbaland, si ay ula wareegaan xeryihii ay banneeyeen Militariga Kenya ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha Jubbaland ayaase Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ciidamada ay u keentay gobolka, si loogu burburiyo nidaamka dowliga ah ee ka jira Jubbaland.

Xiriirka Villa Somalia iyo Jubbaland ayaa xumaaday, ka dib markii Jubbaland ay ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban, laguna soo doortay Hoggaanka Madaxtooyada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in doorashadaasi ay baalmarsan tahay heshiisyadii Madasha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah.