Khasaare ka dhashay weerarada Militariga Israel ee ka dhanka ah Ciidamada Qaramada Midoobey

Ugu yaraan laba ka mid ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Lubnaan ayaa ku dhaawacmay, ka dib markii Ciidamada Israel ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Xerada Hawlgalka UNIFIL ee ku taala khadka buluugga ee kala qaybiya xuduudda labada dal.

Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa Khamiistan sheegay in Ciidamada Israel ay 24-kii saac ee la soo dhaafay ay weerar ku hayeen xerada ku taal aagga xuduuda ee Naqoura.

Taliska ayaa sheegay in askartooda ay ku dhaawacmeen rasaas ay is daba joog ah u fureen taangiyada Militariga Israel, xilli ay Israel sii waddo dagaalka ay ciidamadeeda kula jiraan Xoogaga Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Taliska ayaa sheegaya in taangiyada Militariga Israel ay beegsadeen munaaradda waardiyaha ama qaybta sare ee ilaalada ee Xerada Ciidanka UNIFIL.

"Weerarka lagu qaaday taawarka ayaa sababay dhaawaca labada askari iyo inay dhulka ku soo dhacaan. Nasiib wanaag xaaladoodu ma ahan mid halis ah, laakiin waxay ku sii jirayaan isbitaalka." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska UNIFIl.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale rasaas ku harqiyay afaafka hore ee Xarunta Qaramada Midoobey ee lagu magacaabo 1-31 ee ku taala tuulada xuduudda saaran ee Labbouneh. Ciidamada Israel ayaana waxyeelo u gaystay gaadiid iyo isgaarsiinta ay ciidamadaasi ku wada xiriiraan.

"Militariga Israel waxay kaloo si bareer ah ay u rasaaseeyeen meesha kale ee Qaramada Midoobey ee lagu magacaabo 1-32A, kuna taala aagga xudduudaha ee Ras Naqoura. Goobtan ayaa shirarka lagu qaban jiray ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, waxayna waxyeelo u gaysteen nalka iyo goobta gudbinta." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

Taliska Hawlgalka UNIFIL waxay sheegeen inay arkayn diyaarad drone oo Militariga Israel ay leeyihiin oo ku duuleysa gudaha Xarunta Qaramada Midoobey.

Askarta Israel ayaa Arbacadii si ula kac ah u burburiyay kaamirooyinka amniga ee Qaramada Midoobey, iyagoo adeegsanaya diyaarado drones ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Afhayeenka Hawlgalka UNIFIL, Andrea Tenenti oo la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in weeraradan ugu dambeeyay ee Ciidamada Israel ay yihiin kuwo halis ah.

Ururka Xisbullah ayaa mar sii horreysay sheegay in Ciidamada Israel ay doonayaan inay waddo ka furtaan halka ay degan yihiin Xoogaga Qaramada Midoobey, si ay uga soo galaan dalka Lubnaan, ka dib markii ay ku adkaatay in dalka ay ka soo galaan qaybaha kale ee xuduudda.

Ciidamada Israel ee gulufka ka wada deegaanada xuduudda ee labada dal ayuu qorshahoodu yahay in ay galaan koonfurta dalka Lubnaan, halkaas oo Xisbullah ay difaac kaga jirto.

Xoogaga Xisbullah ee iska caabinta sameynaya ayaa isku dayaya in Ciidamada Israel aysan aag militari ka sameysan dhulka Lubnaan.

Militariga Israel ayaa horey Ciidanka Qaramada Midoobey uga dalbaday inay isaga guuraan goobta ay degan yihiin, balse Qaramada Midoobey ayaa ka hortimid.

In la weeraro Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ayaa xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.